Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL oo Adeegyo Casri ah Ku soo Bandhigtay Bandhigga Carwada Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Caymiska ee Takaful Insurance, ayaa maanta si weyn uga qayb-qaadatay Bandhigga Carwada Shirweynaha Heer Qaran ee Caafimaadka Somaliland oo markii u horeysay lagu qabtay dalka, taas oo madaxweyne Muuse Biixi ku daah-furay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda Takaful Insurance of Africa oo shirkadda Ugu weyn dalka ee Bixisa adeegyada Caymiska ee dhinacyada Caafimaadka, Gaadiidka, Ganacsiga, Socdaalka Badda, kuwaas oo ku shaqeeya nidaamka Caymiska Islaamka ah, waxa ay bandhigga Carwada kaga Qayb-qaadatay adeegyo Caafimaad oo aan dalka hore uga jirin iyo Dhakhtar Caafimaad oo u gaar ah adeegga Caymiska caafimaadka ee ay bixiyaan.

Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda Takaful Insurance Xamse Maxamed Cabdilaahi oo saxaafadda ugu warramay madasha Bandhigga Carwada, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada adeegyada Caafimaad ee ay kaga qayb-qaateen Carwada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar ku cusub dalka.

Xamse waxa uu sheegay in marka laga yimaaddo Adeegyada Caymiska kala duwan ee Shirkadda Takaful bixiso ay kaga qayb-qaadanayaan adeegga Caymiska Caafimaadka oo la xidhiidha bandhigga Carwada, kuwaas oo isugu jira Caymiska Ilkaha, Caymiska Indhaha, Caymiska Hooyada xilliga umusha iyo qaar kale oo kala duwa.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Bogo Xog-warranka uu Xamse Maxamed ku faahfaahiyey Adeegga Caymiska Caafimaadka ee ay bixiso Shirkadda Takaful Insurance.