Shirkadda Caalamiga ah ee Nokia oo suuqyada soo galisay noocyo cusub oo telefoonka gacanta ah

Helsinki, (SLpost)– Shirkadda ugu caansan shirkaddaha farsameeya telefoonadda Gacanta lagu qaato ee (Mobile-ka) afka qalaad lagu yidhaahdo ee Nokia ayaa heshiis kula gashay shirkadda farsamaynta Barnaamijyada Kaambuyuutadda ugu wayn dunidda ee “Microsoft” Heshiiskan labadda dhinac ayaa suura gal ka dhigi doona in Mobiladda Nokia lagu soo shubi doono Barnaamijka “Windows 7”.

Shirkadda Nokia oo laga leeyahay dalka Finland waa shirkada ugu horaysa dhinaca suuqa iyo farsamaynta telefoonadda gacanta, halka shirkadda Microsoft ka tahay ta ugu balaadhan ee farsamaysa barnaamijyada, haddaba sida ay sheegeen khubaradda ganacsigu heshiiskani wuxuu wax wayn u soo kordhin doona Microsoft oo shirkaddaha Apple iyo Google ay barnaamijyo fudud oo suuqa ka saaray hirgaliyeen. Gudoomiyaha shirkadda Nokia Stephen Lilub ayaa shaqaalaha shirkadda fariin uu u kala diray kula socodsiiyay in barnaamijyada moobiladooda cusub ay noqon doonaan kuwo ku shaqeeya “Windows von 7,”

Maareeyaha guud ee Nokia ayaa heshiiskan ku sheegay mid kulul oo u baahan in dagaal badan iyo samir badan loo yeesho si looga midho dhaliyo. Maareeyaha guud ee Nokia oo hore u ahaa Maareeyaha guud ee Microsoft wuxuu si adag shaqaalihiisa ugu sheegay in dagaalka iyo tartanka ganacsi ee sugayaa yahay mid wayn oo looga baahan yahay in loo dhabar adaygo.

Shirkadaha Apple iyo Google ayaa iyagu sanadihii u danbeeyay suuqyada ku sii daayay mobile ku shaqaynaya qaabka ugu casrisan uguna nidaamka fudud oo ku shaqaynaya internet-ka kuwaas oo suuqa ku cidhiidhyay Shirkadaha Nokia iyo Microsoft.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net