Shirkadda Boodhari Mills oo bilowday Goynta Dalagga Qamaddiga

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Boodharimills ayaa bilowday goynta Dalagga Beeraha Qamadiga oo shirkaddu maalgelisay, kuwaas oo laga filayo inay qayb ka noqdaan wax-soo-saarka Wershadda Daqiiqda oo BoodhariMills ka hirgelisay deegaanka Abaarso ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Goynta Dalagga Beeraha oo tiradoodu gaadhayso 90 Beerood oo ku kala yaalla gobollada Dalka, ayaa shirkaddu bilowday todobaadkan iyagoo dalagga loo goynayo farsamo dalka ku cusub oo loo adeegsanayo Qalab Casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka farsamo ee laga isticmaalo caalamka.

Dalagga Qamadiga ee goyntiisa la bilaabay ayaa lagu keydin doonaa Xarumaha Keydka Raashinka ee Shirkadda, iyadoo laga samayn doono Daqiiq kaddib marka ay Shaqada bilowdo Wershadda Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills oo dhismaheedu gebo-gabo ku dhow yahay, sida uu sheegay Maareeyaha Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo dhowaan u warramay Weriye ka tirsan HCTV.

Beeraha laga beeraha Dalagga Qamaddiga ayaa intooda badani ku yaallaan gobollada Daad-madheedh, Sanaag, Awdal iyo Gabiley, iyadoo shirkaddu dadka beeralayda ka caawisay siidhka Qamaddiga, Farsamada iyo Qalabka Beeraha, waxaana heshiiska ka mid ah in shirkaddu dadka Beeralayda ka iibsanayso ama kala wareegayso dalagga Qamaddiga.

Boodhari Mills ayaa ah shirkad Saamiley ah oo ay maal-gashadeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku sugan.

Dadka Beeraleyda ah iyo Qaar ka mid ah Saamileyda shirkadda, ayaa ka dareen-celiyey natiijada iyo Midhaha wax-qabadkii ugu horreeyey ee shirkaddu ugu talo-gashay wax-soo-saarka Shirkadda.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Muuqaalka Warbixin laga diyaariyey Goynta Dalagga Beeraha iyo Dareenka Beeralayda iyo Saamileyda shirkadda