Shirkadda ALNUUR oo ka farxisay 480 Carruur ah oo ku jira Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture, ayaa maanta deeq maryaha ciidda ah ku wareejisay maamulka Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda wareejinta deeqdan oo lagu qabtay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay deeqdaasin ka koobnayd dhar iyo kabo iyo guud ahaan qalabyada kala duwan ee ay carruurtu ku ciidaan oo ay shirkaddu ugu talo gashay  480 carruur ah oo ku jira Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Cabdi Faarax oo u hadlay shirkadda ALNUUR Furniture ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay deeqdan ku wareejiyaan maamulka xarunta agoomaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kaalmaynta carruurta agoomaha ah iyo fadliga ku jira.

“Waannu ku faraxsannahay inaannu maanta deeqdan ku wareejinno Xarunta agoomaha. Waa deeq ka kooban maryaha dhar iyo kabo iyo agab kale oo aannu ugu talo galnay in ay ku ciidaan 480 carruur ah oo ku jira xaruntan, xataa haddii ay tahay biibbiilihii ay carruurta qaarkood ku cayaari lahayd. Maryaha mid kasta oo carruurta ka mid ah waannu ku soo qiyaasnay” ayuu yidhi Maxamed Cabdi.

Agaasimaha xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib ayaa iyaduna u mahadnaqday shirkadda ALNUUR Furniture ee had iyo goor la garab taagan caawinta carruurta, iyada oo ganacsatada waaweyn ugu baaqday inay ku daydaan.

“Halkan waxa yaalla gaadhi ay nooc waliba saaran yihiin, waxaana ku jira dhammaan dharkii ay ku ciidayeen carruurtu illaa ilmaha dhashay illaa ilmaha ugu weyn. Shirkaddan iyo mulkiilaha  da’da yar ee Cabdiraxmaan-ALNUUR, maaha markii ugu horreysay ee uu keeno ee ciid walba oo timaadda, ciidal-fidriga iyo ciidda carrafaba, carruurta wuu ka farxiyaa oo isagaa u soo iibiya dhammaan dharka ay xidhaan carruurta halkan ku jirtaa, si ay uga qayb qaataan farxadda munaasabadda ciidda” ayay tidhi Marwo Caasha, iyada oo intaas raacisay: “Waa ganacsadihii ugu horreeyey ee inta uu kafaalo-qaado ku wada, manaan arag xataa ganacsatada ka waaweyn qaar marna soo xasuusta xarunta, waxaan odhanayaa uun Ilaahay waxaad haysato ha ku barakeyo.”

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday maryaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET