Shirkadda AL-XAYAAT Furniture oo Abaalmarin ku mutaysatay Qiimo-dhimis ballaadhan iyo adeeg-hufnaan ay ku soo bandhigeen Carwada saddexaad Ganacsi ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda agabka Gurayaha iyo Xafiisyada ee Al-Xayaat, ayaa la guddoonsiiyey abaal-marin ay ku mudaysatay qiime-dhimistii ugu ballaadhan ee macaamiishooda iyo bulshada kaleba ugu sameeyeen wax-qabadka iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabato.

oAbaal-marintan ayaa shirkadda lagu guddoonsiiyey shalay gebo-gabada Carwada saddexaad ee Ganacsiga Somaliland oo muddo lix maalmood ah ka socotay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo shirkadda Al-Xayaat Furniture kaga qayb-qaadatay adeeggii ugu mudnaa iyo qiime-dhimistii ugu ballaadhnayd agabkii lagu soo bandhigay muddadii ay carwadu socotay.

Shirkada Al Xayaad Furniture oo si wayn uga dhex muuqatay isla wacdaro ku soo bandhigtay muddadii lixda maalmood ahayd ee carwadu socotay, waxa abaalmarinta ku maamuusay isla markaana ugu gartay maamulka Carwada oo majeertay adeeg-wanaagga ay muujiyeen iyo qiimo-dhiimista ballaadhan ee ay bulshada u sameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Muuse Qaasim oo Maamulka Shirkadda Al-Xayaad guddoonsiiyey Abaal-marinta lagu maamuusay, ayaa ku bogaadiyey dedaalka ay shirkad ahaan muujiyeen iyo adeegyada bulshada u fidiyaan.

Ismaaciil Saleebaan Faarax oo ka mid ah Maamulka Shirdada Al-Xayaad isla markaana Shirkadda u guddoomay Abaalmarinta oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay shirkad ahaan ku mutaysteen abaalmarinta ee ay carwada ku soo bandhigeen.

“Waxyaabaha aanu halkan (Carwada) ku soo ban dhignay waxa ka mid ah Hurdooyinkii, Fadhiyadii, Gogolhii iyo dhamaan adeegyada looga baahan yahay Aqalka oo dhamaystiran iyo waxyaabo kale oo badan,” ayuu yidhi Ismaaciil, waxaanu intaas, “Abaalmarintanna waxa lanagu siiyey waxyaabaha aanu soo bandhigay, qaabka aanu wax u iibinay iyo qiimo dhimis balaadhan oo aanu samaynay,” ayuu yidhi Ismaaciil oo ka tirsan maamulka sare ee shirkadda Al-Xayaad Furniture oo xarunteedu ugu weyn ku taalo magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET