Shirkadda Al-Nuur Oo Carruurta Xarunta Agoomaha Ugu Deeqday Dharkii Ciidda

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda Al- Nuur ayaa xarunta agoomaha Hargeysa ugu tabarucdday dharka Ciidda ee caruurta Xaruntaasi oo ka kooban shan boqol iyo sagaal qof.

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (12)
Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa

Munaasibad loo sameeyay Deeqdan Shirkadda ganacsiga ee Al Nuur Furniture Company ay kaga farxisay Boqolaalka caruurta ah ee ku jira Xarunta agoomaha ee Caasimadda Hargeysa waxaa ka hadlay maamulaha xaruntaas Marwo Caasha Maxamuud Qaalib oo u mahadnaqday shirkadda Al-Nuur oo ay sheegtay inay mulkiileheedda u ahaan jirtay macalimad waqti ay ka howl-geli jirtay dugsiga Biyo-dhacay Ee Hargeysa. “Waxaan halkan ku qaabiley oo noo yimi shirkadda Al-Nuur ee uu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo ah ganacsidde dhalinyaro ah oo ganacsigiisa Ilaahay Barkeeyay.

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (11)
Cabdiraxmaan Nuur - Mulkiilaha AL-NUUR COMPANY

Al Nuur waxaa uu kafaalo-qaatay inuu Ciidan Ramadaan caruurta Xarunta Agoomaha ku jirta oo da’walba leh Ilaa ilmaha dhashay ee la noo keenay hadda illaa Ilmaha Jaamacadda ku jira waxaa uu kafaallo qaatay Dharkooddii Ciida oo dhameystiran, kuwaasoo isugu jira, Shaadhadhkii, Saraawiishii, Kabihii, Garamaantii iyo sharabaadaddii. Dharkaasi waxay ka kooban-yihiin oo ay u xidhmayaan 509 (Shan-Boqol iyo Sagaal qof.) oo isku joog ama mar xidhasho oo aanu qofka waxba ka dhinmayn. waxaan leeyahay Cabdiraxmaan ama Shirkadda Al Nuur aad iyo aad ayaanu kuugu mahad celinaynaa, waxaanan Ilaahay kaaga rajeynaynaa inuu Ganacsigaagu noqdo mid Caalamka oo dhan ku baaha.”

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (3)
Abokor, xisaabiyaha Shirkadda oo Dharka kala guraya

Marwo Caashi waxay sheegtay in ay shirkadda Al-Nuur iyadu iskeed tabarucan u fiddisay, Islamarkaana ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee waxtarka intaa leeg u fidisa Xarunta agoomaha iyagoo waliba aan ka dalban oo aan yabooh weydiisan. waxaana ay shacbiga kalle iyo shirkaddaha ugu baaqday inay ku daydaan Mulkiilaha Shirkadda Al Nuur.

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (7)
Dharka oo karaatoon ku jira

siddoo kalle, waxa halkaa ka hadlay  Abokor Sh. Axmed Geedi oo ka socday Shirkadda Al Nuur, waxaana uu yidhi. “Anigoo ka wakiil ah shirkadda Al Nuur, sidda ay maamulaha xarunta agoomaha Hargeysa idiin sheegtay, waxaanu halkan keenay shan boqol iyo sagaal Labis oo dhameystiran oo aanu ugu tallo-galay in caruurta Xaruntani kulla faraxdo dadkoodda reer Somaliland, mana aha markii ugu horeysay ee aanu keenay Dhar halkan, sanadkii hore waxaanu keenay boqol caruur ah ciidood. waxaa kalle oo aanu balan-qaadnay sanad kasta in aanu ciidsiino haddii illaahay Idmo caruurta xaruntan ku jirta, taasina waa wax weyn oo shirkadda Al-Nuur qabtay.  ciddii wax taraysa ee kallena waxaanu u jeedinaynaa baaq oo Xaruntani waa ay u baahan-tahay oo caruur ayaa ku nool aan aabo iyo cid lagu eego lahayn. waxaanan uga mahad-naqaynaa sidda wacan ee ay nooga gudoomeen, iyagoo sheegay in aanu nahay shirkaddii ugu horeysay ee Qalabka intaas leeg ugu tabarucdda. waxaananu rajeynaynaa in aanu sii wadno, halkan ayaanu ka bilownay, waxaananu rajeynaynaa in aanu goboladda kalle gaadhsiino haddii ilaahay Idmo.” Ayuu yidhi Abokor.

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (9)
Noocyada kala duwan ee Shirkaddu ugu Deeqday Carruurta

Sidoo kale, Mukhtaar Biixi oo ka mid ah madaxda Shirkadda Al Nuur ayaa halkaas ka hadlay, waxaana uu tilmaamay in laftiisu ka mid ahaan jiray, waqti Caruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa ee weyn. taasoo uu muujiyay inuu dareensan-yahay xaaladooda, islamarkaana ku faraxsan-yahay inay shirkad ahaan taakuleeyaan Caruurtaas oo uu sheegay inay u yihiin waalid oo xil ka saaran-yahay qaranka oo dhan.

Al-Nuur iyo Hargeysa Orphanage (15)
Xisaabiyaha Shirkadda oo isagu ku soo barbaaray Xarunta

Munaasibaddan waxaa siddoo kalle ka qayb-galay masuuliyiin door ah oo ka socday qaybo kalla duwan. iyaddoo marka la’eego, ay caruurta xaruntaas ku nooli riyaaq iyo rey rayn ay ku soo dhaweeyeen taakuladan loo fidiyay.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com

somalilandpost@yahoo.com