Shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources oo booqday Deegaamo laga bilaabayo Sahamin Shidaal

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka socda shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources ayaa maalintii shalay booqasho taarikhi ah ku tegay dhulka uu ku yaal Block 26 oo ah goob dhowaan laga bilaabi doono hawlo shidaal baadhis ah.

Weftigan oo u hogaaminayay Gudoomiyaha Shirkada Petrosoma Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali (Gurey) isla markaana ay wehelinayeen Justin Wood oo metalayay shirkada Austaralyanka ah ee Jacka Resources oo isagu dalka u yimi si indhihiisa ugu soo arko goobihii hore looga qaaday sahanka.
Waxa kale oo isaguna weftiga la socday Kith Gubbin iyo oo isaguna ka mid ah khubarada ka qayb qaadan doonta hawsha sahanka ee dhowaan la bilaabi doono.

Weftiga oo ka tegay Magaalada Hargeysa waxa tuulada Hara Sheekh ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Md. Yuusuf Ibraahim Geedi(Yamaarug),waxa kale oo weftiga soo dhoweyn diiran kala hor yimi dhamaan dadweyniha ku dhaqan tuulooyinkii weftigu marayay ka hor intii aanay soo gaadhin Degmada Oodweyne,halkaas oo ay kula hadleen bulshada Deegaanka.

Weftiga ayaa intii ay ku guda jireen safarka waxa ay booqdeeen tuuloyinka Beerato,Ceeg iyo Boodhlay,Goobahan oo dhamaantood ah meelihii sahanka hore laga qaaday.

Garyaqaan Maxamed Yuusuf Calli oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in hada ay u yimaadeen bilaabista wejigii hore ee hawsha dhabta ah la qabanayay,taas oo ah in la samaynayo sahan laba nooc ah, Magnetic Survey iyo Seismic Survey kuwaas oo ah sahankii ugu danbeeyay ee goobtan laga qaadi doono “Horta safarkani waa safar taariikhi ah, waana markiiuguhoreysay ee hawsha shidaal baadhista Somaliland lasoogaadhsiiyoheerkan Magnetic iyo Seismic Survey-ga.Waxaan u bushaaraynayaa dhamaan dadwaynaha Somaliland. Waxaan samayndoonaa ilaa 5000km oo Magnetic Survey ah. Waxaanu tababar u qabandoonaa shaqaalaha ka hawlgaya goobta.Hawshani waxay socon doontaa muddo saddex bilood dhan.Waanatalaabadii ugu danbaysay ee inaga xigtay qodista shidaalka.”

Maxamed Yuusuf oo la weydiiyey rajada qorshaha dhow ay ka qabaan in shidaalka la soo saaro waxa uu yidhi “Hawshan hada aanu u nimi haddii aanu ka faraxalano waxaanu ku rajo weynahay bilaabista qoditaanka,waxan ku rajo weynahay in waqtiga ugu dhow aynu gaadhi doono. waxa farxad weyn noo ah in khabiirkii nagala socday shirkada jacka resources ku qancay waxa indhihiisa ku soo arkay,shidaalkani waa mid ummada oo dhami leedahay,waxana ka faa’idaysan doona muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo dunida korkeeda ku nool,waxay noqonaysaa shaqo abuuris aan hore loo arag,waynu garan karaynaa qiimaha uu shidaalku u leeyahay horuumarka wadanka.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net