Shirkadaha Diyaaradaha Maraykanka iyo Yurub oo Hakiyey Duulimaadyadii ay ku tegi jireen Caasimadda Israel ee Tel Aviv

Tel Aviv (SLpost)- Diyaaradaha Maraykanka iyo Qaaradda Yurub, ayaa hakiyey duulimaadyada ay ku tagaan garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda dalka Yuhuudda.

DeltaSaddex shirkadood oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo magacyadoodu kala yihiin Delta, United iyo US Airways, ayaa lagu amray inay muddo 24 saacadood ah hakiyaan duulimaadyadooda magaalada Tel Aviv, ka dib markii gantaal ay rideen kooxda Xamaas uu ku dhacay meel 1.6 KM u jirta garoonka diyaaradaha caasimadda Yuhuuda.

Sidoo kale, waxa duulimaadyadooda Tel Aviv Hakiyey shirkadaha diyaardaha Lufthansa, KLM iyo Air France oo laga leeyahay waddamada qaaradda Yurub.

Agaasimaha hay’adda Duulimaadyada Israel Giora Romm, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin dedaallo ay wada-hadallo duulimaadyadooda ku sii amba-qaadayaan kula jiraan shirkadaha diyaaradaha Maraykanka iyo Yurub ee hakiyey isticmaalka garoonka Tel Aviv.

“Waxa noo socda wada-xaajood noo socda hay’adda Federaalka ee maamusha duulimaadyada Maraykanka si aanu u soo celino kalsoonida ammaan ee madaarka Ben Gurion, waxaanu ku qancinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan dib u cusboonaysiiyaan duulimaadkooda,” ayuu yidhi Mr Romm.

Lufthansa oo ah shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn qaaradda Yurub oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa sheegay inay muddo laba maalmood ah hakiyaan duulimaadyadooda Israel. Sidoo kale, Shirkadda diyaaradaha KLM iyo Air France, ayaa xaqiijiyey inay hakiyeen duulimaadyo ku muddeysnaa inay dalka Israel ku tagaan Arbacada maanta.

Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Delta, ayaa sheegtay inay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay u leexisay duulimaad ay isaga dhex-gooshaysay magaalooyinka New York iyo Tel Aviv, ka dib markii hay’adaha ammaanka Yuhuuddu xaqiijiyeen gantaal ku dhacay meel 1.6 KM u jirta garoonka diyaaradaha Gurion ee magaalada Tel Aviv.

Dhinaca kale, shirkadda diyaaradaha British Airways oo ka jawaabaysa su’aalo la weydiiyey, ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, balse ay duulimaadyadoodu wali u shaqaynayaan sidii la qorsheeyey.

Hakinta adeegyada duulimaad ee diyaaradaha ayaa ku soo beegmay wax ka yar muddo hal todobaad ka dib markii ay Ciidamada Israel bilaabeen hawl-galka milatari ee dhinaca dhulka ay ku bilaabeen Gaza, waxaana arrintan sii xoojiyey inay shirkadaha diyaaradaha adduunku taxaddar ka muujiyaan inay ku safraan goobaha dagaaladu ka jiraan, ka dib markii diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo u kala gooshaysay Yurub iyo Eeshiya ay ku dul-burburtay hawada sare ee dalka Ukraine oo la rumaysan yahay in gantaal lala beegsaday, wakhtigaas oo ku beegnaa isla maalintii ay ciidamada Israel bilaabeen duullimaadka ay ku qaadeen.

SOMALILANDPOST.NET