Shirkadaha Dahabshiil oo Hambalyeeyey Macaamiisha, Soona Bandhigay Yoolkooda 2014

Abdirashid Duale, CEO Dahabshiil Group of Companies (600x400)Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa hambalyo iyo mahadnaq u rajeeyey macaamiisha shirkadaha, madaxda, hawlwadeennada iyo guud ahaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wadashaqaynta dhow la leh shirkadaha, isaga oo sharraxaad ka bixiyey hawlihii kala duwanaa ee horumar, waxqabad iyo caqabadba lahaa ee shirkaddu kaga soo gudubtey 2013, isla markaana tilmaamay adeegyada iyo qorshayaal u meel yaal inay ka midho-dhaliyaan sannadka 2014.

War-murtiyeed uu soo saaray Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ku beegan curashada sannadka cusub, waxa uu ku sheegay in sannadkii 2013 hawlqabadka shirkaddu mar walba sii xoogaysanayey oo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay soo kordhinayeen adeegyo iyo waxyaabo cusub, isla markaana ilaalinayey tayooyinka aasaasiga ah ee shirkaddu ku caan baxday sida aaminaadda, qiyamka iyo anshaxa sare u foojignaanta danaha iyo u-adeegista macmiisha.

Waxa Maamulaha guud ee Dahabshiil ka warramay caqabadihii shirkadda soo wajahay sannadkii 2013, gaar ahaan go’aankii Baanka Barclays isku dayey inuu ku xidho hab-xisaabeedka xawaaladda, waxaannu yidhi, “Carqaladda ugu weyn ee la soo gudboonaatay shirkadda sannadkii 2013 waxay ahayd go’aankii Baanka Barclays uu ku dhawaaqay ee ahaa inuu akoontyada (accounts) ka xidhayo ilaa 250 shirkadood oo macmiil la lahaa gudaha dalka Ingiriiska, kuwaasi oo ay ku jirtay qaybta xawaaladda ee Shirkadda Dahabshiil ee Ingiriiska. Waxa aan halkan mahadnaq u marinayaa dhammaan dadkii iyo hay’adihii gacanta ka gaystay ee is garabtaagay Dahabshiil sidii looga hortagi lahaa arrintaasi. Kalsoonida weyn ee aannu ku qabnay in aannu gar leenahay ayaa nagu sii dhiirrigelisay in dacwad aannu u gudbinno Maxkamadda Sare ee UK, taas oo xukun ku-meelgaadh ah oo ay ka soo saartay bishii November macnihiisu yahay in aannu sii wadan karno oo ay noo sii furnaanayaan adeegyadii Akoontiyada baanku.

“Sideedaba Shirkaddu,” ayuu ku daray Maamuluhu “waxay leedahay oo ay isticmaashaa Akoontiyo kala duwan oo ay ku kala leedahay baanan dhawr ah oo ku kala yaal dalalka adduunka, kuwaasi oo uu ku jiro Baanka caalamiga ah ee Dahabshiil, si macmiishayadu u helaan adeegyada ugu fiican. Ka sakow carqaladahaasi, haddana shirkadda Dahabshiil waxay awooday inay sii wado hawlaheedii iyo adeegyadeedii wax-ku-oolka ahaa, isla markaana ay sii kordhiso awoodeedii maaliyadeed ama dhaqaale ee ay ku lahayd dhammaan dalalka adduunka.”

“Sannadkii 2013 waxaan samaynay horumar kale oo dheeraad ah, iyadoo la sii ballaadhiyey adeegyadii iyo laamihii xawaaladda, laguna sii baahiyey oo la gaadhsiiyey gobollo iyo degaanno aad u durugsan, si loo xaqiijiyo hirgelinta adeeg dhakhso badan oo la isku hallayn karo, lana aammini karo oo wax-ku-ool ah, isla markaana gaadha dad badan. Waxaannu ka soo baxnay oo si joogto ah u fuliney, una fulin doonnaa xeerarka iyo shuruucda ka yaal lacagayowga xaraanta ama sharci-darrada ah ee ka dhaqangalka ah dalalka aannu ka hawlgalno ama ka dhex shaqaynno,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid oo ka hadlayey qaybta xawaaladda.

Mar uu si gaar ah uga hadlayey shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL, waxa uu yidhi, “Sannadkii 2013 waxa uu ahaa mid si weyn ay u ballaadhatay shirkadda SOMTEL oo haatan ah shirkad isgaadhsiineed oo hormood u ah telefoonnada mobilka ee shirkadaha Afrikada Bari, iyadoo waqtigan ku shaqaysa farsamooyin iyo qalabka tiknoolojiyada ugu casrisan oo ay ku qabato adeegyada kala gedisan ee ay u samayso dadweynaha macmiisheeda ah, siiba ku-hadalka iyo Intenet’ka. Markii ugu horraysay ayey shirkadda Somtel haatan gaadhsiisay adeegyadeeda gobollada Koonfureed, kuwa Dhexe iyo Puntland. Waxa kaloo SOMTEL xafiisyo ka furatay gobollo iyo degaanno aad u fogfog oo miyi ah, una badan xoolo-dhaqato reer guuraa iyo kalluumaysato ah, si loo gaadhsiiyo adeegyada shirkadda macmiil iyo mujtamacyo hor leh.”

Waxa uu Maamulaha Guud tilmaamay in Shirkadda SOMTEL si wayn u horumarisay adeegyadii daryeelka dadweynaha macmiisha ah iyadoo samaysay xafiis ama xarun dhexe oo shaqaysa 24-ka saacadood oo lala soo xidhiidhi karo iyo in la sii ballaadhin doono adeegyadaasi si loo suurtogeliyo in xataa lacagaha lagu bixiyo iyadoo la isticmaalayo mobile-ka, sannadka 2014 gudihiisa oo noqon doonta tallaabo ku keeni doonta isbeddel iyo horumar weyn adeegyadii isgaadhsiinta ee SOMTEL fidineysey.

Waxa kale oo uu iftiimiyey Mudane Cabdirashiid hirgelintii, ballaadhinta iyo adeegyada uu qabanayo Baanka caalamiga ah ee shirkadda Dahabshiil (DBI), oo sannadkii 2010 markii u horreysey laga aasaasay, lagana furay magaalada Djibouti dhexdeeda, kadibna la ballaadhiyey oo la gaadhsiiyey saddex xarumood ama magaalo waaweyn oo muhiim ah oo Soomaaliyeed, kalana ah Hargeysa, Boosaaso iyo Muqdishu, iyadoo uu qayb ka yahay sii xoojinta magaca sharikadda, hawlgalladeeda  iyo adeegyada dhaqaale ee ay ka fuliso gobolka.

“Suuqyada ugu mudan ee marka hore Baanku doonayo inuu ka hawlgalo,” ayuu yidhi  “waa dalalka Geeska Afrika iyo qurba-joogta Soomaalida ee dalalka dibadda ee adduunka. Waxa kaloo aannu diyaar u nahay oo ka go’an shirkadda inay gacan ka gaysato waxtarka mujtamaca ama dadweynaha degaannada iyo kuwa mandaqadda ee aannu adeegyada u fidino, kuwaasi oo aan u samaynayno adeegyo kale oo dheeraad ah sida in aannu u furno akoontiyo (hab-xisaabeed), laguna xidhiidhiyo gobolka caalamka kale iyo hababka dhaqaale ama ganacsi ee adduunweynaha.”

Waxa uu Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group hoosta ka xarriiqay in ku- shaqaynta hab iyo nidaam cad oo muuqda ka mid tahay mabaadi’da iyo qiyamka shirkadda Dahabshiil, hababkaas oo ah kuwa lagula shaqaynayo hay’adaha caalamiga ah ee xeer-dejinta iyo macmiisha shirkadda labadaba, iyada oo la sii wadi doono in isha lagu hayo adeegyo hor leh oo loo fidiyo macmiisha oo wax-ku-ool ah.

Ugu dambayn, waxa uu carrabaabay Maamulaha guud in uu ku kalsoonnahay in sannadkan cusub ee 2014 uu noqon doono sannad guul u ah shirkadda Dahabshiil, iyaga oo halkaasi ka sii wadi doonna u-heellanaanta iyo daryeelka hawlaha guud ee qaybaha shirkadaha Dahabshiil Group iyo mihnadooda. Waxa uu u rajeeyey macaamiisha in Ilaahay uga dhigo sannadaha Hijri 1435 iyo 2014.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay magac iyo maamuus caalami ah ku yeelatay sannado badan oo ay xil weyn iska saaraysay inay si joogto ah wax u tarto ama uga qaybqaatado mashaariicda horumarinta iyo daryeelka dadweynaha, waana mid caado iyo dhaqan u ahayd muddo badan shirkadda inay gacansiiso dadweynaha degaannada ay hadba ka hawlgasho. Dhulalka Soomaalida gudahooda waxay xoogga saartay dib-u-soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo taakulayn weyn oo muhiim ah u fidisay dhismaha iyo dayactirka jidadka magaalooyinka waaweyn oo la dhisay cusbitaallo, biriijyo, dugsiyo amma iskuulo, maktabado, dhismayaal jaamicadeed iyo garoomo ciyaareed, gacan joogta ah ka gaysanayey waaxyaha caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarrada degdegga ah.

Waxa khubarada arrimaha dhaqaalaha faalleeyaa tilmaamaan in shirkadaha Dahabshiil,  muujiyen in aanay ahayn keliya shirkado ganacsi, laakiin yihiin, siiba dhinaca isu-gudbinta lacagaha, adeeg dadweyne oo waxtar leh, kaalina ka qaata badbaadinta nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo Geeska Afrika iyo tayaynteeda. Waxa adeegga isu-gudbinta lacaguhu, tusaale ahaan, suurtogeliyey in qurba-joogta Soomaalidu ay caawiyaan dadkooda iyagoo isticmaalaya adeegyada shirkadda, isla markaana kaalin muuqata ku yeeshaan mashaariicda maalgelineed ee deegaannada ay ka soo jeedaan. Hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba boqolkiiba in ka badan 90% waxa ay kalsoonidooda siiyeen Dahabshii oo, iyaduna, siisa adeeg dhammaystiran oo daboola dhammaan baahiyaha hawleed ee hay’aduhu ka geystaan arrimaha bini-aadaninimo, iyada oo shirkaddu in ka badan 150 dal oo caalamka ah uu ku baahsan yahay, lagana helo,  adeegyadeeda.

Dhinaca kale, shirkadaha Dahabshiil Group, qaybtooda isu-gudbinta lacaguhu, waxa ay si buuxda ugu dhaqanta xeerarka caalamiga ah ee ka yaalla isu-gudubka lacagaha ee dhammaan dalalka ay ka hawlgasho si loo yareeyo khataraha ka iman kara lacago si sharciga ka baxsan loo kasbay ama loo arbo in lagu fuliyo hawlo qawaaniinta caalamku aanu oggolayn oo xakameeyey.