Shirkadaha Dahabshiil Groups oo door wax-ku-ool ah ka qaatay Shirweynihii Horumarinta iyo Tayaynta waxbarashada Carruurta bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga

Hargeysa, (SLpost)- Shirweynihii waxbarashada ee bulshada ku hadasha afka Soomaaliga uga socday Hotelka Maansoor ee  magaalada Hargeysa ayaa la soo gabo-gabeeyey ka dib muddo saddo maalmood ah isla markaana ay ka soo qayb-galeen in ka badan 200 oo ergay oo isaga kala yimi deegaannada dadka Af-Soomaaliga ku hadla, waxaana lagu lafo-gurayey hannaankii lagu horumarin karo waxbarashada carruurta Soomaalida ah,

Masuuliyiin farabadan oo ka soo kala jeeda meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddiisa ah ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbado kala duwan, balse nuxurkoodu taabanayey sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Somaliga ku hadla gaar ahaan waxaa shirkaasi diiradda xoog loogu saaray intii uu socday nidaamka waxbarasho ee ay gudbiyaan Jaamacadaha dadka Somaliyeed.

Masuuliyiintii shirkaasi ka hadashay waxaa kamid ahaaDr  Maxamed Khaliifa oo ah kaaliyaha madaxa Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka, waxaanu halkaa ku soo bandhigay daraasad qiimo badan oo ka tarjumaysay faa’iidada waxbarashada iyo kaalinta ay ku leedahay saamayna nolosha aadamaha.

Madaxa xafiiska EDC oo halkaa ka hadashay  waxay xustay kaalintii ay shirkdda Dahabshiil ku lahayd shirkaasi iyo dhaqaalihii ay ku bixisay oo gaadhayey $8000 oo doollarka  Maraykanka ah, waxaanay halkaa uga mahad-celisay dhaqaalaha baaxadda leh ee ku bixiyeen shirkaasi si looga midho-dhaliyo ahmiyaddii laga lahaa shirkaasi iyada oo ariimahaa ka hadlaysan waxay tidhi, “waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Shirkadaha Dahabshiil groups oo shirkan ku biixiyey lacag dhan $8000.”

Inta ka dib, Madaxa EDC ee Somaliland Drs Khadar Cabdiqaadir waxay codbaahiyaha ku soo dhawaysay Professor Xasan Maxamed Jaamac [Xasan Xiis] oo ah madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta shirkadaha Dahabshiil groups, oo halkaa ka soo jeediyey khudbad qiimo badan oo ka tarjumaysay waxbabadka Dahabshiil ee ku aadan hormarka bulshada Somaliyeed, waxaanu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey taariikhdii hore ee aasaaska shirkadda Dahabshiil oo gaadhaysa ilaa iyo 42 sanadood.

Madaxa xidhiidha dadweynaha iyo suuq geynta ee shirkadaha Dahabshiil groups Professor Xasan Maxamed Jaamac waxa uu sheegay shirkadaha Dahabshiil groups inay dhaqalae farabadan ku bixiyaan xagga hormaka bulshada Somaliga ku hadashay qaybaheeda kaladuwan. “Dhammaan Jamaacadada gobalada Soomaalida oo dhan sanadkiiba waxaanu siinaa dhaqaale aanu ku caawinayno tayeynta waxbarashada dadka Somaliyeed,” ayuu yidhi Professor Xiis.

Dhanka kalana Professor Xiis waxa uu ka hadlay kaalinta Dahabhsiil groups ka geystaan dhinacyada Technology-yadda sida Enternet  xawaarihiisu aad u sareeyo iyo qaybta telfoonada ee shirkadda Somtel, dhanka kalana waxa uu sheegay inay qayb wayn ka qaataan xalinta khilaafkaad iyo colaadaha ragaadiyey mandiqadda Somalidu daganyahay, “Dahabshiil groups waxaa kale oo ay qayb weyn ka qaadataa xallinta khilaafaadka iyo adkaynta nabadda” ayuu yidhi Professor Xasan Maxamed Jaamac.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay sida loogu baahan yahay in la hirgaliyo isla markaana la dardargaliyo kobcinta afka Somaliga iyo sidii diiradda loo saari lahaa sidii caruuraha Somaliyeed loo bari lahaa afkooda hooyo ee qaaliga ah.

Maxamed Cumar waxa uu si ballaadhan ugu mahad celiyey shirkadaha Dahabshiil groups oo sidii horeyba loo sheegay kaalinta ugu weyn ee dhaqaalaha shirkaasi bixisay, “Waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkadaha Dahabshiil groups oo la’aan teed aynaan dhaqaale ahaan wadneen shirkan”

Gabagabagdii shirweynahaasi lagu qaadaa dhigayey tayeynta afka Somaliga iyo sidii caruuraha Somaliyeed loogu barbaarin lahaa afkooda hooyo waxaa ka hadashay Drs Khadar Bashiil Cali oo ah madaxa EDC ee Somaliland oo shirkaasi soo qaban qaabisay waxaanay mahad ballaadhan halkaa uga soo jeedisay Shirkadaha Dahabshiil groups iyo  Dawladda Somaliland oo si wacan uga qaybqaadatay doorkii ay ku lahayd qabsoomidda shrikaasi.