Shirkadda Dahabshiil Group oo baabuur ku Abaal-marisay Ciyaaryahankii Dhaliyey Goolkii Kowaad ee Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Baabuurka Crown-ka ah ee la guddoonsiiyey Ciyaartoyga numberkiisu yahay 40229

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil Group ayaa maanta baabuur noociisu yahay Crown (taxi) ku abaalmarisay ciyaaryahanka Maxamuud Cabdi Xasan (Gofindha) oo dhaliyey goolkii u horreeyey ee tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka qabsoomay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Baabuurka Crown-ka ah ee la guddoonsiiyey Ciyaartoyga numberkiisu yahay 40229

Laacibka Maxamuud Cabdi Xasan oo u ciyaarayey xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex ee ku guulaystay koobkii tartanka ee kubadda cagta, waxa shirkadaha Dahabshiil Group ku abaalmarisay baabuur cusub oo ay ugu talogashay, kaas oo huteelka Kaah uu ku guddoonsiiyey Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xiis) iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha DAHABSHIIL GROUP oo ka qaybgalay soo dhoweyn aad u ballaadhan oo shacabka reer Hargeysa  ku qaabileen kooxaha xulka Gobolka Maroodi-jeex oo ku soo laabtay shalay caasimadda.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil oo kor u haya Furaha Baabuurka

Mr. Xasan Xiis oo hadal kooban ka jeediyey xafladda ciyaaryahanka lagu guddoonsiiyey gaadhigaasi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin shirkad ahaan abaalmarinta ay siiyeen laacibka Maxamuud Cabdi Xasan.

“Maanta waxa noo farxad ah inaannu hadiyadan siinno ciyaaryahannada Gobolka Maroodi-jeex oo dhan, gaar ahaan ciyaaryahanka dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee lagu furay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, sidoo kalena waxaannu shir ahaan hambalyeynaynaa guulaha Gobolka Maroodi-jeex ka soo hooyey tartankaas,” ayuu yidhi Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Group Mr. Xasan Xiis.

Dhinaca kale, laacibka Maxamuud Cabdi Xasan, ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadnaqay shirkadda Dahabshiil Group gaadhiga abaalmarinta ah ee ay guddoonsiiyeen, isagoo ka raalligeliyey shirkadda warar ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo sheegayey in shirkaddu kala noqotay hadyadii loogu talogalay.

 “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa shirkadaha Dahabshiil Group iyo cid kastoo gacan ka geystay hirgelinta tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland. Mar labad waxaan shirkadda Dahabshiil ka raalligelinayaa isfahmi-waa na soo kala dhexgalay oo ku saabsanaa gaadhigan aan maanta [shalay] ka guddoomay, waxaanan leeyahay aad baad ugu mahadsan tihiin abaalmarinta aad i siiseen,” ayuu yidhi ciyaaryahan Maxamuud Cabdi.

Tababaraha xulka kubadda cagta ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Diridhaba oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay marxaladihii ay xulkoodu soo mareen tartankii ciyaaraha kubadda cagta ee gobollada, isaga oo u mahadceliyey shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inay muujisay dedaal mucjiso ah oo ay ku dhiirigelisay dhallinyarada iyo ciyaaraha dalkaba, isagoo tilmaamay in doorka shirkaddu ka gaysatay tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland geli doono taariikhda.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net