Shirkada Coca Cola (S.B.I) Waa Shirkad Dalka Ku Soo Kordhisay Shaqo Abuur , Baahi Badan Oo Dalka Ka Jirtayna Dabooshay, Korna U Qaaday Sumcada Somaliland – W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa ILAAHA ina siiyay awooda aynu wax ku qorno waxna ku akhrino kuna kala garano xumaha iyo Samaha.

Intaa ka dib waxan aad u salaamayaa bahda saxaafada ee madaxa banan iyo akhristayaasha kala duwan meelkasta oo ay joogaan.

Shirkada coca cola (S.B.I) oo la furay sanadku markuu ahaa 22 may 2012 ayaa waxa gacantiisa ku furay madaxweynaha Somaliland mudane ahmed maxamed maxamuud siilaanyo waxaana maalgashay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la idhaa ahmed osman geele waana mulkiilaha shirkada OGF.

Waxaana ka soo qayb galay madax badan oo caalamka ka mida sida Unugga Ganacsiga ee Coca-Cola- Bartamaha, iyo Bariga   Afrika (CEWA) Nahan Kalumbu, Madaxa SBI Axmed Cusmaan Geelle.

Shirkadan ayaa noqotay mid wax wayn ka tartay dhaqaalihii dalka korna u qaaday baahidii dalka,dadka iyo taasoo dadkana tustay in waxwalba la soo saari karo taas oo tusaale u ah  cidkasta oo rabta inay wax soo saarto waxaanay soo saarta sharaabka kala duwan sida coca cola, sprite ,fanta iyo qaar kaloo badan iyo waliba iyadoo soo saarto 320m iyo nooca ka waynba labada..

Shirkada coca cola ayaa si heer saraa uga qayb qaadatay shaqo abuurka halkaas oo ay ka shaqeeyaan dhalinyaro leh wiilal iyo habloba kuwaas oo kor u qaaday  nolol dad badan oo maanta shaqeeya. Shirkadan coca cola ayaa waxay magac u soo jiiday dhamaan umada Somaliland iyadoo inaga dhigtay wadan leh wax soo saar.

COCA COLAShirkadan ayaa markii la soo saarayay aad looga fikiray waxaana ku baxay aqoon iyo maskax waana ay ka muuqataa dhamaan aqoontaasi oo maxaa yeelay maanta waxaad dalka ku arkaysaa ganacsiyo isku wada mid halka shirkada OGF markasta soo saarto wax ka gedisan ganacsiyada dalka sida MILGO DIGITAL, COCO,COLA IYO qaar ka loo badan sida shirkada cayayaanka buufisa  best kill iyo shirkada duulimaadyada yar-yar ee u kala goosha Somaliland  ayaa waxa dhamaantood hoos yimaadaan  shirkada OGF waxaana ay kaalin muhima kaga jirtaa shaqaalaysiinta, horumarka dalka, iyo sidii markasta dalka ay maalgashan lahayd iyadoo u fikirta si aanay u fikirin dadka  ganacsatada ahi, waxkasta oo ay soo saarayaan uu yahay wax ku cusub dalka ,dadka iyo dhulka Somaliland ba , shirkada coca cola (S.B.I) ayaa waxay samaysay  soo jiidasho badan halkaas oo ay furitaankeeda ka soo qayb galeen wasiiro reer jabuutiya kuwaas oo aan waligood iman dalka wasiiro ka socda jabuuti oo intaa leeg  intii ay xukuumadu jirtay,

Ta kale waxa iyana soo dhaweyay xukuumada uu hogaaminayo Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halkaas oo uu la yaabay markuu arkay goobta shirkada idhina sidan maan moodayn in shirkada coca cola (S.B.I)  inay u wayn tahay.

Shirkadan (S.B.I)  ayaa sabab u noqotay in dalka la maalgashado taas oo tusaale u noqday ganacsato badan oo rabay inay maalgashadaan Somaliland  tusaalana u noqotay nabada iyo maalgashiga kala duwan. shirkada coca cola (S.B.I)  ayaan  anigu wax badan ka qoray intaan ku jiray jaamacad halkaas oo ka diyaariyey assignment badan oo lay diray iyadoo aan ka hadlayay wax soosaarkeeda .

Si kastaba ha noqotee shirkadan ayaa ah shirkada ug u weyn bariga Africa iyadoo imika wax soo saarkeedu gaadhay dhamaan Somalia , Somaliland ,putland iyo meelo ka fog fogba .

Shirkadu waxay dabooshay baahidii sharaab ee dalka ka jirtay taas oo maanta meelkasta iyo goob kasta oo aan aado ku arko isticmaalka sharaabka SBI .

Intaa ka dib waxaan kula talinayaa dhamaan maamulka sare ee shirkada SBI inay Recycle  and reproduction ku sameeyaan dhamaan caagadahooda, si idinkuna cost idiinku badbaado dalkana nadafadiisu u wanaagsanaato.

Talo bixin  xaga dawlad ah.

Waxan ku talinayaa in dalka la keeno waxkasta oo dalka shaqo abuur  u ah sida (S.B.I) oo aan la keenin ganacsi hore u jiray.

In (S.B.I)  laga taageero waxkasta oo ay dawlada uga baahato si ay u dardar galiso hawlaheeda horumarineed.

In dadka keenaya wax soo saar cusub kuna cusub dalka iyo dalkaba  la soo dhaweyo lagana dhaafo cashuurta.

In cidkasta oo shirkad dalka keenaysa loo sameeyo nidaam xaga shaqaalaysiinta ah oo aanay cid qudhi u shaqayn.

In dalka waxasta oo la maalgalinayaa noqdo waxaan dalka hore uga jirin.

N.B

Shirkada S.B.I waa fure horumarineed

Shirkada S.B.I waa shirkad baahi badan dabooshay.

Shirkada S.B.I waa shirkad ku dayasho mudan

Aynu aamino wixii dalka lagu sameeyo si looga maarmi dibad loona gaadho isku filnaansho wanaagsan.

Information about the author

Farhan Mohamed Hassan sultan nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

Social activist

Thank you all

Post number:  RP45