Shirkada Al-Najah 571 oo aan wax Taageero iyo Waxtara Midna u Fidin Ciyaaraha Gobolada Somaliland – W/Q: Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)

bidaarGanacsatada reer Somaliland qaar kamid ah ayaa ka qayb-qaatay taageerada iyo dhiirigalinta ciyaraha gobolada Somaliland ee lagu dhiiri galinayo dhalinyarada, ay dhanka kalena ganacsadayaal waawayn qaar kamid ahi sida shirkada qaadka ee (571) aanay gabi ahaanba u fidin wax taageero ah ciyaarahaas ka socda Caasimada Somaliland ee Hargeisa, isla markaana dhiirigalintii ay ka mudnaayeen aan ku darsan, halka dhigooda kale ee shirkadaha ganacsatada qaar badan oo kamid ahi wax tar iyo taageero ay u fidiyeen ciyaaraha dhalinyarad lagu dar-dar galinayo, si looga saaro qabyaalada. Shirkadahaas waxtarka iyo dhiirigalinta u fidiyay dhalinyarada ku ciyaaraysa dhamaan gobolada Somaliland muuqaaladooduna ay ku xardhanyiin garoonka Hargeisa Stadium ee ay ka socdaan Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Hadaba  mulkiilaha guud ee shirkada 571 Xaajir Kaysar Tarabi (Ina-afdiinle) oo uu muuqaalkiisu ka dhex-muuqday furitaankii ciyaarihii koobka gobolada ee Madaxwaynuhu xadhiga ka jaray.

Si kastaba ha ahaateen shirkada Al-najah oo ka mida shirkada ganacsi ee dalka ugu balaadhan isla Markana  Dakhli Badani uga soo Xarodo Dalka.

Ayaan Tageeradi iyo Waax Ku Soo Ceelinti Shacbiga anay Haba yarate ka Muqan Dhirigalintan Aay Shirkada Dhigisa ahi Ku Mashquulsan yihin inay shicibkoda Waax ku soo Celiyaan taaso loo bahna inu ka dheex Muuqdo Shirkad ahaan.

Dhinaca Kale Shirkadan Oo Dalka ku soo Warida Jaad Ka ugu Badan ee inooga yimaada Dalka Ethiopia kaas oo ay bulshadeena kaga baxdo kharash fara badan oo dalka iyo dadkaba wax u tari lahaa, oo haddii lagu bedelo waxyaabo kale oo faa’iido badan u keeni lahaa ummadda.

Gebo –gebadii marka la eego ganacsiga ay shirkadan hayso (qaadka) waxa kuu muuqanaya inaanay haba yaraateen wax ay dalka ka saaraan mooyee waxba soo galin.

Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)

Cabdiraxiim9909@gmail.com

Hargaysa Somaliland