Shirkad Maraykan Ah Oo Laga Kiraynaayo Madaarka Berbera

ber_bera_airport_7

Hargeysa(SLpost) shirkad laga leeyahay Dalka Maraykanka ayaa lagu waramayaa inay doonayso inay kiraysato madaarka berbera oo ay albaabadu u xidhmeen tan iyo wakhtigii dib loo fuary madaarka hargeysa oo ay dawladda Kuwait ku samaysay maal-galinta suurtogalisay inuu noqdo madaar Caalami ah oo ay ku soo dagaan, kana haadaan diyaaradaha waaweyn.

Si rasmi ah looma oga magaca shirkaddan iyo cida leh, hase yeeshee ilo wareedyo muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay inay wadahadal kula jiraan Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda Duulista Hawada, kaasoo la filayo in uu dhawaan soo gabagabaysmo.

Illaa hada ma cada nooca Heshiiska ah ee ay wadagalayaan Shirkadda Maraykanka ah iyo Xukuumadda Somaliland, waxaanay noqonaysaa arrintani haddii ay suurtgasho mid u horseeda Somaliland iyo magaaladda Berbera dhaqdaqaaq caalami ah oo Ganacsi iyo in uu dalku noqdo marin muhiim u ah diyaaradaha Caalamka.

Sidoo kale, Heshiiskani haddii uu suurtogalo waxay magaalo xeebeeda Berbera iyo madaarkuba noqon doonaan meel camiran oo ka soo kabata suuq la’aantii la soo daristay tan iyo markii madaarkaas la xidhay maadaama madaarkaasi uu ahaa mid ay isticmaalaan diyaarado kala duwan.

Dawladda Maraykanka ayaa madaarka Berbera dhistay sideetamaadkii, kadib markii Dawladdii Somaliya ka saartay ciidamadii Ruushka ee deganaan jiray fadhiisinkaas, wakhtigaas oo Maraykanku ka dhistay qalcado iyo dhufaysyo uu saldhig ahaan u isticmaali jiray.

Dawladda Somaliya ayaa kaga kiraysay Maraykanka lacag gaadhaysa afartan Milyan oo Doolar sanadkii, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsanaan jiray xukuumadaasi, hase yeeshee ciidamada Maraykanku waxay ka guureen markii ay kululaadeen dagaaladdii dhex maray jabhadii SNM iyo taliskii siyaad Barre.

Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa saadaalinaya sababta ugu weyn ee Maraykanku u danaynayo In uu kiraysto mar kale madaarkaas inay tahay khilaafka ka dhex qarxay Jabuuti, kaasoo laga yaabo sida wararka la xidhiidha heshiiskoodu sheegayo inay isku maan-dhaafeen Heshiiska cusub ee Shiinaha iyo Jabuuti, kuwaas oo Maraykanka uu ka dhaxeeyo loolan dhinaca quwada ahi.