Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha oo Somaliland u Timi Hirgelinta Warshado lagu Sameeyo Qalabka Electronikada iyo Gaadiidka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdi Axmed Nuur ayaa maanta caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyay wefti ganacsato wershadley ah oo ka yimi dalka Shiinaha oo lagu magacaabo China Commerce Industry Group, isla markaana ka kooban toban xubnood.

Weftigan ayaa la filayaa inay dalka ka hirgeliyaan mashaarciic door ah oo la xidhiidha dhinaca wershadaha.

Wasiirka wershadaha ayaa ballan-qaaday inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta dalka, waxaanu ugu mahad-naqay weftiga imaanshaha Somaliland iyo mashaariicda ay rajaynayaan inay dalka ka hirgeliyaan.

weftiga iyo Wasiirka Warshadaha“Waxaanu soo dhaweynay wefti Shiine ah oo wershadley ah oo isugu jira rag iyo dumar, iyagoo u yimi inay dalka indho-indheeyaan, iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo la xidhiidha wershado, waxaanay wadaan mashaariic badan, waxaanan xusayaa laba wershadood oo aanu nidaamkoodii hayno oo kala ah wershad ay ku xidh-xidhi doonaan baabuurta ay sameeyaan iyo kuwa kale ee caalamka lagu sameeyo, wershadaas meeshii ay ka dhisi lahaayeen ayaanu wadnaa hadda, mahruuca kale waxa weeye in baaskiiladaha uu dalkoodu sameeyo halkan lagu xidh-xidho, labadaas wershadood ayaanu imika gacanta ku haynaa oo aanu u saxeexnay.” ayuu yidhi Wasiirka wershadduhu.
Mr. David Chin iyo Khadar Bedel Ducaale oo ku hadlayay afka weftiga ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Somaliland iyo inay ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinaca wershadaha.

wasiirka warshadahaWeftigan ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha dalka, wasiirro, isla markaana ay booqan doonaan qaar ka mid ah gobollada, waxaanay dalka ku sugnaan doonaan muddo laba todobaad ah.

Somalilandpost.net

Hargaysa