Shirkad Heshiis Macdan-qodis ah la gashay Xukuumadda Somaliland oo dhawaan Sahamin ka bilaabaysa Deegaamo ku yaala Galbeedka dalka

[O]ttawa (SLpost)- Shirkad laga leeyahay dalka Canada oo lagu magacaabo Mindesta Inc. ayaa shaacisay inay dhawaan hawl-gal sahamin ah ka bilaabayso saddex deegaan oo ku yaala Woqooyi-Bariga Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Mindesta Inc. ayay ku caddeysay inay diyaar u tahay la-wareegidda macaashka saddex liisan sahamin oo ay bixisay xukuumada Somaliland. Mindesta ayaa xilligan haysata 80% una diyaar ah inay hesho 100% liisanka sahaminta deegaamo ku yaal Arabsiyo iyo Qabri baxar oo hore u haysatay shirkada  Nubian Gold Corporation (“Nubian”). Shirkada Nubian ayaa dhowaan heshay ogolaanshaha liisan sahamin deegaanka Abdul Qadir, oo baaxadiisu gaadhayso 2,000km2 kuna yaal xuduudaha Somaliland la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti.

Nooca heshiiska

Shirkada Nubian oo haysata ogolaanshaha liisan sahaminta  deegaamada Arapsyo iyo Qabri Bahar, ayaa shirkada  Mindesta ka heli doontaa boqolkiiba 50% macaashka liisamadaa, isla markaana sheegtay inay diyaar u tahay inay geliso dhaqaale gaadhaya $2 million labada sannadood ee soo socda. Mindesta ayaa looga baahan yahay inay u celiso $100,000 shirkada Nubian oo ku saabsan kharashkii kaga baxay hawl-galka sahamin, halka inta hadhay ay ku iibsan doonaan qiimaha suuqa, ka dib marka ay bixiyaan kharashka ugu horeeya oo gaadhaya $750,000.

Shaqada Dhulka

Shirkada Mindesta ayaa dhamaystirtay sahaminta dhagxaanta iyo ciida deegaamada Arabsiyo iyo Qabri baxar, halkaa oo natiijada sahamintaas dhowaan la filayo inay soo baxdo, taasooo suurto-galinaysa marka natiijadaasi soo baxdo ay shirkadu u diyaargaroobi doonto wejiga labaad ee sahamintaa.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, Mindesta waxay ka furatay xafiis sahamin Somaliland, oo xilligan ay ka shaqeeyaan shaqaale gaadhaya 30, isla markaana inay ilaa xilligan dhaqaale gaadhaya $410,000 oo hawlo sahamin galeen. Waxa la sheegayaa shirkadaasi u baahan tahay dhaqaale ay ku galaan wejiga labaad ee sahamintaa.

Gudoomiyaha shirkada Mindesta, Gregory Bowes, aya acadeeyey, “Shirkadu waxay qaaday talaabadii u horeysay ee ay ku gelayso dhul aduunka ka mid ah oo la rumaysan yahay inuu keyd leeyahay, dhinaca kalena xaalad siyaasadeed oo degana leh, taasoo ku guulaysiga liisanka cabdiqaadir sii adkeeyey xiisahayaga,”

Maxamed Cabd Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News Desk