Shirka Sacad Muuse oo lagu doortay Guddi Horumarineed, Berrina la soo Af-meerayo

Hoodaale_Agabbar (7)Agabar (SLpost)- Shirka Beesha Sacad Muuse uga socda Degmadda Agabar oo maalintiisii sadexaad galay ayaa shalay lagu doortay Guddi ka kooban shan iyo labaatan xubnood taasoo ka shaqayn doonta Horumarinta Danaha Beesha.

Guddidan oo laga soo xulay Jufooyinka Beesha Sacad Muuse waxa xalay laga Ansixiyay xubnaha Ergada ah ee shirkaasi ka qayb qaadanaysa kuwaas oo soo bandhigay baahiyaha Beesha ka haysta dhinaca adeegyada Arrimaha Bulshada.

Shirka ayaa gabagabo ku dhaw, waxaana lagu wadaa in berri si rasmi ah loo soo xidho, halka maanta shirka laga nastay isla markaana lagu hawlan yahay qaban qaabada Xafladda soo xidhitaanka.

MUNAASIBADDII FURITAANKA SHIRKA