Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Qodobbo lagu Go’aamiyey iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhi aan caadi ahayn oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye maanta ugu qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo ay ka mid yihiin dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga iyo Xubno cusub oo ku soo biiray Xisbiga.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qeyb galay kalfadhigan aan caadi ahayn ee Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Waxa kale shirkan ka soo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo tiradoodu dhan tahay 148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo Taageereyaasha xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka Bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha dhexe.

Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay ururadii doorashada ku hadhay ee RAYS, DALSAN Iyo UMMADDA ee dhawaan ku soo biiray heshiiskana la gaadhay xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay kalfadhigan aan caadiga ahayn , ayaa ugu horayn dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii uu ka baxeen dadkii dadku qaaday shalay ee uu ku jiray ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Shire Faarax.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn. Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan tahay.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qeyb geli doonin shirka London, waxaanu yidhi “Shirka London sidii aan hore u sheegnay kama qayb gelayno, oo waxaanu u aragnaa in aanu na khusaynin, danina aanay ugu jirin qaranka Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray, “Wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya waxa ahaayeen barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii London 12-kii bishii February ee sanadkii 2012-kii, kaasi oo ay dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaasi ka dib waxa dhacay labadii kulan ee London iyo Dubia, waxaanan ku kala saxeexanay qodobo dhaxal gal ah hor dhacna u ahaa wada hadaladaa.

Mana jiraan wax iska kaaya bedelay diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysaa wax aanay dani ugu jirin ummadayada,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.

SOMALILANDPOST.NET