Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Maalintiisii Labaad Gallay

 

Hargeysa(SLpost) -Shirka xisbiga Kulmiye ayaa maalintiisii labaad ka soconaya hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kadib markii shalay la doortay musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ee xisbiga Kulmiye uga qayb galaya doorashada 2017-ka. Waxa loo doortay guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

 

Shirka maanta ayaa ajandihiisa lagu sheegay in dib u eegis lagu samaynayo xeerarka xisbiga Kulmiye, iyadoo xoogga la saarayo xeer hoosaadka golaha dhexe ee Kulmiye. Lama oga in waxka bedel lagu samayn doono iyo in sidiisa lagu dayn doono.

 

Sidoo kalena waxaa kulanka maanta qayb ka ah khudbad guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi ka jeedin doono shirka. Shalay ayuu sheegay inuu dib u dhiganayo khudbaddiisa, balse maanta ayaa laga filayaa inuu faahfaahiyo hawlihiisa musharaxnimo iyo arrimaha xisbiga ku gedaaman.

 

Sidoo kalena waxaa la filayaa in madaxweynaha Somaliland la guddoonsiiyo abaal marin. Madaxweynaha waxaa lagu maamuusayaa sida uu teeramkiisa labaad uga tanaasulay, maadaama kursi jacayl lagu yaqaan hogaamiyeyaasha Africanka.