Shirka ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maanta ka Furmay Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Shirka Ansixinta dastuurka Soomaaliya, ayaa maanta  ka furmay Magaalada  Muqdisho waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyada oo mas’uuliyiintii  halkaa ka hadlay oo dhan ay ku tilmaameen guul la gaadhay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra’iisul waasaraha Cabadiweli Gaas iyo Mahiga oo hadallo dhaadheer ka jeediyay kulanka, ayaa waxay intooda badan  ku tilmaameen maalin taariikhi ah shirka lagu ansixinayo dastuurka.

XUQUUQDA SAWIRKA: Hiiraan Online

“Dastuurkani waa mid ka tarjumaya mustaqbalka Soomaaliya, waana qodobka ugu muhiimsan qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah marka la gaadho bisha Ogost ee Sanadkan,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yidhi hadalkii uu ka jeediyay furitaanka shirka.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay ergada u fadhiya ansixinta Soomaaliya ee qabyada ah inay yihiin kuwii labaad oo loo soo xulo inay ansixiyaan dastuur ay Soomaaliya yeelato, isagoo sheegay in dastuurkii lixdankii ay ansixiyeen ergooyin lasoo xulay, inkastoo sannad kad dib loo qaaday afti dadweyne.

Danjire Augustine Mahiga oo isaguna hadal ka jeediyay, ayaa soo jeediyey inaan la iloobin saamiga ay haweenku ku leeyihiin dawlada, isagoo sheegay in shirka lagu qabto Muqdisho ay dadaal badan u soo galeen, ugu dambeyn ku guuleysteen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Afhayeenka baarlamaanka, ayaa isaguna hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya uu iftiin u baxay loona baahan yahay in la higsado iftiinkaas.

“Farxad ayay inoo tahay inaan maanta u fadhinno shirka lagu ansixinayo dastuurka qaybayada ah ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Shariif Xasan oo sheegay in dastuurkan uusan ahayn mid dhameystiran balse waa billow fiican oo Soomaaliya ay heshay.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shirka ka hadlay ayaa yidhi, “Maanta waxay noo tahay maalin taariikhi ah iyo fursad weyn oo la gaadhay. Dastuur la’aan dowlad lama ahaan karo.”

Sheekh Shariif wuxuu odayaasha ka dalbaday inaanay iloobin haweenka isagoo ka dalbaday odayaasha in dedaal fara badan geliyaan ansixinta dastuurka, isagoo sheegay inay taasi sharaf u tahay iyaga, dawlada iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan. “Wixii khaldan ee dastuurka ku jira waa inaad isla garataan oo aad calaamadisaan si baarlamaanka soo socda uu wax uga beddelo,” ayuu yidhi Shariif Sheekh oo ka dalbay odayaasha inaanay  eegin xilliga dhow ee ay eegaan mustaqbalka soo socda.

SOMALILANDPOST.NET