Shirguddoonka Guurtida Oo Faahfaahin sababo musuq-maasuq iyo wax-is-daba marin xidhiidh la leh oo kallifay in Golahaasi Hakiyo Ansixinta Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa (SLpost)- Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka Hadlay Hakad ay geliyeen Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyayaasha oo dhawaan ay Golaha Wakiilladu Meelmariyeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cabdi oo arrintan ka Hadlay, ayaa xaqiijiyey inay shirguddoon ahaan isla garteen inay Hakiyaan dooddii iyo falanqayntii ay Goluhu ka Yeelan lahaayeen xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyayaasha oo dhawaan loosoo gudbiyey.

Siciid JaamacSiciid Jaamac ayaa ugu horrayn sheegay inuu xeerkaasi ahaa mid xaasaasi ah oo jaranjarrooyin badan uu soo maray sidii uu Guurtida u soo gaadhi lahaa, haatana uu ku Hakaday Gacanta shirguddoonka,

“Waad la socotaan xeerkani waxa uu ahaa xeer xaasaasi ah oo inbadan ay axsaabta mucaaridka ahi ka Hadlaysay qoddoba kamid ahna ay had iyo Goor Duri jireen ugu dambayntii ugu dambayntii markii la iskugu yimi Kulamo xukuumadda, axsaabta mucaaridka ah iyo wasaaradda Arrimaha Guduhu waxbay isla gaadheen qoddobadii la isla gaadhayna iyadoo lifaaq ah waxa loosoo gudbiyey Golaha Wakiillada, Golaha Wakiilladuna Guddi bay u dhiibeen Guddidiina Guurtiday usoo Gudbisay wixii aragtidoodu ahayd. Marka lagu daro nuqulkii ay Guddidu soo gudbisay iyo kii madaxtooyadu soo gudbisay Goluhu intaas buu ansixiyey.” Ayuu yidhi Mudane Siciid Jaamac Cali.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guurtidu waxa uu sharraxaad Ka Bixiyey Sababta ay Shirguddoon ahaan u hakiyeen Xeerkan ka Yimi dhinaca Wakiilada, taas oo uu ku sheegay inay heleen xogo kadhan tilmaamaya in wax laga beddelay Nuqulkii uu soo ansixiyey Golaha Wakiilladu,

“Xubno kamid ah Golaha Wakiillada ayaa Ducoment noo keenay, kaas oo ay ku sheegayaan inay jiraan Farqiyo u dhexeeya dokumentigii la ansixiyey iyo midkii lasoo gudbiyey sidaas darted ayaanu u yara akinay maadaama uu Golahani fasax Gelayo kii kalena fasax ku jiro si aanu si aanu bal isula akhrino oo iskula meel dhigno,”ayuu yidhi Guddoomiye Siciid.

SOMALILANDPOSTNET