Shir-nabadeed lagu Heshiisiinayo laba beelood oo ka furmay degmada Taleex

Hargeys (SLpost)- Shir laba beelood lagu heshiisiinayo, ayaa ka furmay deegaan ka tirsan magaalada Taleex oo ka tirsan Gobol Sool, taas oo Qiyaastii 180-KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Shirkan oo qaban-qaabadiisu socotay muddo saddex bilood ah, ayaa shalay ka furmay isla markaana lagu qabtay Geed Berde oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Gudur masaafo ahaan 5-KM dhinaca Woqooyi ka xiga degmada Taleex.

SHIR NABADEEDLabada beelood oo wada-dega deegaankaas, ayaa dagaalo-beeleed ku dhexmareen halkaas tiraba dhowr jeer, waxaana Is-araga labada beelood oo xiisaddoodu kacsanayd la kala dhex-dhigay ciidamo la geeyay halka uu shirku ka socdo iyadoo ay muuqanayeen gaadiid gaashaaman oo saaran Buuro ku xeeran goobta shirku ka socdo.

Culimada degaanka iyo weftiyo kala duwan oo yimi deegaanno kala duwan oo shirka ka qayb-galay, ayaa labada dhinac u kala jeediyey hadallo waano ah, iyaga oo ugu baaqay in colaadda la joojiyo, lana soo celiyo wada-noolaanshihii iyo is-dhexmarkii degaanka.

Guddoomiyaha guddiga shirka nabadeynta ee Taleex Khadar Cali Jaamac oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray qaban-qaabada, waxaanu ujeeddada ay u qabteen shirka ku sheegay sidii laysugu soo dhawayn lahaa bulshada deegaanka, nabadna looga dhex-dhalin lahaa deggenaansho iyo nabad looga dhaliyo degmada Taleex.

“Waxaan idin ku baaqayna inaad nabada qadatan, mid kalena shirku sidaas ayuu inoo furan yahay oo haddii add diidan, anagu awood ayaanu idin adeegsan doona,” ayuu yidhi Khadar, waxaanu intaas ku daray mahad-naq uu u jeediyey shakhsiyaad iyo shirkado ku taageeray qabsoomidda shirka oo uu ka xusay guddoomiye ku xigeenka shirkadda Telesom Maxamuud Xaaji Aadan “Xadeed” iyo madaxa shirkadda Ilays.

teleexShirka shalay ka furmay deegaanka Taleex oo ibo-fur u ah soo-af-jarista colaadda labada beelood, waxa lagu dhaariyay guddiga dhexdhexaadinta, iyada oo ugu dambeyntii la bilaabay wada-hadal labada beelood dhex-mara oo billow u dib u heshiisiinta, iyagoo la filayo in dhowrka maalmood ee soo socda heshiis rasmi ah laga dhex-dhaliyo labada beelood.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan heshiisiinta oo qabsoomiddiisa ay hore ugu guul-darraysteen saddex guddi oo qabsoomiddiisa loo xil-saaray, ayaa haatan uu muuqdaa mid lagu soo afjari dono colaada uu dhexaysay labada beelood ee isku deegaanka ah oo Isku-dhacyo hore u dhexmaray sababeen dhimashada 10 Qof.