Shir lagu Qiimeynayo Qorshaha Hiigsiga Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka oo Hargeysa ka furmay 

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay Kulan Ujeeddadiisu tahay dib-u-eegis iyo qiimeyn lagu Samaynayo Qorshaha Hiigsiga heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDs-ka.

Kulanka oo maanta ka furmay Hotel Maansoor ee Hargeysa, soconna doona inta u dhaxaysa 17-ka ilaa 21-ka bishan November, waxa soo qaban-qaabiyey Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS ee SOLNAC, waxaana furitaankiisa ka qayb-galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Komishanka, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Caafimaadka kala shaqeeya Wasaaradda iyo Komishanka.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakameynta Cudurka AIDs-ka ee SOLNAC, Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo ka warbixiyey ujeeddada uu daaran yahay shirka maanta furmay iyo Arrimaha lagaga hadli doono muddada Shanta maalmood ah ee shirku socdo.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Daawo Muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=MZ93BWiwv5w