Shir Lagu Falanqeeyay Warbaahinta Bariga Afrika Oo Lagu Qabtay Kampala

Kampala, (SLP)- Shir ay soo qaban-qaabiyeen hay’addaha Africa Media Initative (AMI) iyo  Rockfeller Foundation laguna marti-qaaday madaxda war-baahinta geeska Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.AMI

Ujeeddada shirkan ayaa ahaa maaraynta mulkiileyaasha Warbaahinta iyo Xaq-dhowrka Shaqaalaha Warbaahinta. Waxaana kasoo qayb-galay, madaxda warbaahinta ee Wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Eritrea iyo Uganda oo ah dalka marti-galiyey.

Waxa ugu horreyntii halkaas warbixin soo dhaweyn iyo wax-qabadka hay’adda Africa Media Initative (AMI) kasoo jeediyeen Wangethi Mwangi iyo Roukaya Kasenally oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda AMI.

Waxaa shirkaas si weyn loogaga doodday qodobo ay ka mid-yihiin;

  1. Xoojinta maamul-wanaaga madaxda Warbaahinta
    B. Hab-dhaqanka iyo Wanaajinta xidhiidhka madaxda Warbaahinta iyo wariyeyaasha
    C. Ka Ganacsiga Warbaahinta

Waxaa halkaas warbixino kasoo jeediyey madaxda Warbaahinta ee:

  1. Robert Kabusenga, madax warbaahinta New Vision, Uganda
    2. Axmed Guure, madaxa shabakadda Hiiraan Online
    3. Mohamed Mohamoud Kadieh, madax Le Nation, Djibouti
    4. Maxamed Cusmaan, Madaxa idaacadda Star FM
    5. Teguest Yilma, madaxa jaraa’idka Capital ee Addis Abab

Ugu dambeyn, waxaa halkaas warbixin dheer kasoo jeedisay madax hay’ada Rockeffeler foundation ayada oo faahfaahisay waxqabadka hay’adda ee qaaradda Africa. Waxay ku buurisay ka soo qay-galayaasha shirka inay galaan shabakadda Rockeffeler Foundation halkaasoo ay ka heli karaan macluumaat lagu kaalmeyno qaybaha kala duwan ee bulshada sida horumarinta.

Somalilandpost.net