Shir lagaga hadlayo Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo magaalada Istanbul uga furmay Ergo ka socota dalka Iran iyo Shan ka mid ah Quwadaha Caalamka

Istanbul, 14 April, 2012 (SLpost)- Wefti  ka socda  dawladda Iran  oo uu hogaaminayo u qaybsanaha  dhinaca mashruuca  Niyukliyeerka  Mr  Saciid  Jaliile  ayaa maanta  kulan kula yeeshay  wakiilo ka socda  shanta dawladdood ee aduunka ugu awooda badan iyo  wakiil dawladda Jarmalka  ah, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay   magaalada  Istanbul  ee dalka  Turkiga.

Waxana  ay  tahay  arinta  laga  wado hadlayaa  barnaamijka  ay  dawladda Iran ku  tayeynayso  quwadda  Niyukliyeerka,  iyadoo  uu kulankani yahay kii ugu  horeeyey ee muddo  sannad  iyo  dheeraad ku qaabsoom,  taasoo dawladaha  reer  galbeedku  sida  markayka  ka  shakisan  yahiim  in Iran  ku talo jirto in ay  samayso  qunbulado  Niyukliyeer ah.

Hase  yeeshee,  dawladda Iran  waxay si rasmiya u sheegaysaa   in mashruuca  Niyukliyeerku  yahay mid  nabad galyo ah,oo ay  xaq u leedahay in ay  yeelato,  waxase  shirkan  maanta ka soo baxay in xukuumadda Iran  wada  shaqeyn la yeelan doonto khubaro ka socota  Hay’adda  caalamiga ah  ee quwada  Atomikada.

Dhinaca  kale,  madaxweynaha  Maraykanka  Mr Barak Obama  ayaa  maanta ku dhawaaqey  in shirkaasi ka socda Istanbul  yahay fursaddii diblomaasiyadeed ee u dembaysay  ee lagaga  hadlo  mashruuca  Niyukliyeerka  ay  dawladda Iran waddo, laakin waxa soo baxaya  warar sheegaya  in  Israa’iil  damacsan tahay  in weerar cirka ah  ku qaado  xarumaha Niyukliyeerka  ee Iran.

SLpost News

Somalilandpost.net