Shir Gudoonka Guuritida Somaliland Oo ka hadlay qorshe la sheegay in lagu af-gambiyeyo Gudoomiyahooda Safarka dibadda ugu maqan ee Salaabeen Gaal

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Saciid Jaamac Cali ayaa beeniyey in uu golahaasi ka socdo dadaalo  laga doonayo in meesha laga saaro Gudoomiyaha Golahaasi oo dalka dibada uga maqan.

Md. Saciid Jaamac oo sidoo kalena ah ku simaha Gudoomiyaha Golahaasi ayaa waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey ujeeda  safar uu Todobadii bilood ee ugu dambeeyey uu dalka kaga maqnaa Gudoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxmuud Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guuritda ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Maanta Xafiiskiisa ugu waramayey shakabada Oodweynews iyo Talafishanka HCTV.

Md. Saciid Jaamac Cali oo ka hadalaya maqnaasha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa waxa uu yidhi “ Gudoomiyha Guurtiada Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu dalka ka tagay markii uu xidhamay  kalfadhigii 43-aad ee Golaha, waxana uu Golaha kaga mawqan yahay sife sharci ah, safarkiisana waa mid xaalad Caafimaad ah, shir Gudoon aahaana waxaanu la soconaa Xidhiish joogta ahna waanu la leehay.”

Waxa kale oo uu Md. Saciid Jaamac ka hadlay inay Golaha ka dhex socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu doorto Gudoomiye cusub oo Golaha Guurtidu yeesho waxana uu yidhi “ Aniga maanta ayey ban ii tahay oo saaka ayaa Jaraa’id ka arkay warkaasi, Goluha mudo fasax ayuu ku maqnaa shalay ayuu buu furmay ilaa imina shir gudoonka looma soo gudbin wax mooshin arintaas ka hadalaya, cid kale oo arintaa wadana maan maqal, mida kale dee jagada markay banaanato ayaa la buuuxiyaa, hadana waxa jooga Gudoomiyhii.” Ayuu yidhi ku Simaha Gudoomiyaha Guuritada Somaliland Md. Saciid Jaamac.

Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) ayaa muddo sannad badhkii ah dibadda dalka uga maqan, iyada oo xeerka golaha u yaalaa tilmaamayo in maqnaanshaha masuuliyiinta ugu sarreeya ee goluhu dibadda uga maqnaadaan aanay dhaafin muddo cayiman oo xeerka goluhu dhigayo.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com