Shir-guddoonka Wakiilada oo si kulul uga jawaabay eedaymo loo jeediyey Golahooda, kana hadlay arrimo badan oo Qaranka khuseeya

Hargeysa, 04 March, 2012 (SLpost)- Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle, ayaa gaashaanka ku dhuftay wax uu ugu yeedhay fikraddo ku saabsan in Aqalkii Wakiiladdu isu beddelay xisbiga talada haya KULMIYE, tan iyo markii ay dhalatay xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Guddoomiye Ku xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay hanaanka Golaha Wakiiladdu u shaqeeyaan, mustaqbalka xisbiga KULMIYE iyo olalaha ay waddo banaynta ah ee D/Hoose iyo wasaaradda Daakhiligu ka fuliyeen jidadka badhtamaha magaalada hawl-galkaasi oo uu ku sifeeyay mid loo baahnaa.

Guddoomiye Ku xigeenku isagoo ka hadlayay habka ay Golahoodu u shaqeeye wuxuu yidhi “Waxa Golaha ka socdaa maaha mid xisbi wato ama shaqsi wato ee waa wax gole waynuhu aqbaliyadda u arko weeye runtii waa in sidaa loo fahmo.Markaa waxa golle weynuhu u arko in danta dalka iyo dadka tahay marka dood laga yeesho, ayaa golaha runtii ka hirgala oo xildhibaanadu way kala afkaar duwan yihiin way kala fikir duwan yihiin way kala tallooyin duwan yihiin oo nin waliba xor buu u yahay taladiisa iyo fikirkiisaba inuu dooda ku muujiyo oo golaha ka muujiyo. Laakiin aakhrika waxay tagaysaa muxuu golle weynuhu doonayaa?.”

Md. C/Casiis Samaalle wuxuu sheegay in xildhibaanadda qaarkood ay marka Golaha ay ka socon weydo ay aqlabiyad u waayaan ay warbaahinta ka hadlaan, isagoo arritaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arrintaasna runtii golluhu aad buu isugu ixtiraamaa, inkastoo oo ay dabeecadda basharka iska tahay marka qofka matalan sida uu isagu wax u arkayey aqbaliyadda goluhu ay si kale noqoto ama qofkaasi warbaahinta ka hadlo oo fikiradiisii oo awalba uu golaha ka jeediyey. Markay golaha ka socon wayday golle weynihii uu iskale uu uga hadalo warbaahinta oo taana waa xorriyaddaSomalilandoo qofku waxa uu doono iyo sida isaga ay wax la tahay uu cabiri karaa.”

“Shir-gudoonka iyo haday tahay golaha-ba, golluhu muxuu aqlabiyadiisu doonayaa ayaanu anigu hoggaaminaa oo taas uun baa golaha ka hirgasha. Golaha aqbaliyadiisan saddexda xisbi midna maaha, laakiin goluhu golle weyne ayuu ku shaqeeyaa oo wixii uu markaa danta u arko ayuun baa marka socota. Aniguna waxaanu ku khasban nahay in waxa markaa golle weynuhu ama qaybihiisa ama taladiisa ama go’aankiisa ayuun baan socodsiinaa, waad arkagteen xitaa shir-gudoonka mararka qaarkood ayaa fikradaha meesha jira ayaanu fikrad ka duwan gacanta u taagnaa, laakiin aqbaliyadu halkay martay ayuun baanu marka dambe raacnaa taasuun baa go’aanku ku go’aa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee wakiiladdu oo maanta u waramayay Telefishanka HCTV.

Md. Samaale wuxuu gaashaanka ku dhuftay wax uu ku tilmaamay fikraddaha odhanaya Golihii wuxuu isu bedelay xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Goluhu muddada uu jiray la heli maayo go’aan golaha ka baxay oo aqbaliyad golaha aan lagu ansixin la heli maayo yacni mid hore iyo mid dambaba.Markaa taasi waxay ku tusaysaa in goluhu runtii yahay golle qaran oo si qaran u shaqeeya waxa uu ka doodnaa maxay u arkayaan goluhu?, oo waxay u arkayaan dantii oo waa go’aanka shaqeeya, marka waxaan odhan karaa dareenka ama fikradda odhanaysaa tallo intii KULMIYE uu xillka qabtay goluhu KUMIYE-yuu isku bedelay sax maaha runtii goluhu waa golihii qaranka oo waa sidiisii oo goluhu waa uu dooda oo wixii uu arko fikirka taagan ayuu ku go’aan qaataa.”

Guddoomiye Ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko mustaqabalka xisbi xaakimka KULMIYE, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE ee aan ka tirsan nahay oo aan aasaaseyaashiisii ahay waan ku faanayaa Al xamdulilaah in aan xisbiga dadkii aas-aasayna ka mid ahay illaa imikana xubnihiisa firficoon ee xisbiga guusha la doonaya ayaan ka mid ahay.”

C/Casiis wuxuu tilmaamay in xisbiga KULMIYE yahay mid awood badan oo ay rajaynayaan inuu ku guulaysto doorashooyinka soo socda, waxaanu yidhi “Waa xisbul-xaakiim waa xisbi awood badan waa xisbiga aqbaliyadda dalka 50% helay guushii doorashaddii ugu dambaysay, waxaanu rajaynaynaa inay samcadiisu kor u sii kacdo oo ay sii wanaagsanaato. Waxaanu rajaynaynaa in doorashooyinka tan ka dambeeya in aanu ku guulaysan doono.”

Samaalle oo la weydiiyay sida uu u arko hawl-galka waddo banaynta iyo kor u qaadista bilicda lagu sheegay ee dawladda hoose ee Hargeysa ka fulisay jidadka faras-magaalaha caasimadda, waxaanu yidhi “Dadkeenu dad danyar ah ayay isaga badan yihiin in aad iyo aad loo xaq dhowro oo loo ilaaliyo weeye in xaaladahooda xoog loola socdo weeye in wax lala qabto weeyaan. Laakiin waa in aanay ka horiman danta caamka ah ee ay ummadu wada leedahay oo ay ka mid tahay magaaladda Hargeysi waa caasimaddii Somaliland oo dalkan waxa uu baahan yahay in la aqoonsaddo, haddii qof waliba meel alaale iyo meesha uu doono ka dego oo wadada badhtankeedii dego oo ay waddooyinkii wada xidhmaan dhismayaashii waaweynaa ee magaaladda laga dhisay ay shaqayn waayaan, waxaad dareemi karaysaa inaan runtii dawladnimadii iyo caasimadnimadii iyo dalkiiba aanu shaqaynayn.”

“Anigu waxaan u arkaa talaabiyoonka ay dawladda hoose iyo wasaaradda daakhiliga ay fulisay talaabooyin loo baahnaa, waxaan qaba in ummada danteedu waxay ku jirtaa calool adayg oo in la calool adaygo oo hawsha sideeda loo fuliyo oo sidaa loo fuliyey lagu sii wado oo dadka danyarta ee dhulka laga kiciyey meelo kale la dejiyo ay dantooda ku maarayn karaan waa in loo raadiyo,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenku.

Mr. Samaale oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan qabaa dawladda hoose iyo wasaaradda daakhaliga in aanay dhicin in dib dhulka ay baneeyeen aan dib loo soo degin in aanay dhicin oo aanay noqon wax inta laga kiciyey hadanna muddo yar dabadeed dib loo soo dego, taasi hadii ay dhacdo waxa ku ceeboobi doonta dawladda hoose iyo wasaaradda dhaakhiliga ceeb weyn ayaa ka raaci-doonta.”

somalilandpost.net

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland