Shir-guddoonka Shirweynihii KULMIYE oo ka dareen-celiyey Jawaab hoggaanka Xisbigu ka bixiyey Liisaska Golaha Dhexe iyo Fulinta ee ay soo saareen

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka tirsan Guddigii Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ay Hoggaanka Xisbigaasi Jimcihii u jeediyeen, kuwaasoo qaaddacay sharcinnimada Liisaska Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee KULMIYE oo ay Habeenkii Jimcuhu soo galayey shaaciyeen Shir-guddoonkii shirkaasi.

UntitledHoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa Shir Jara’aid oo ay Jimcihii ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay ku daadifeeyeen sharcinnimada Liisaska ay ku dhawaaqeen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE oo Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey 29-kii bishii hore ee April ee sannadkan. Liisaskaas oo ay Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad, Xoghayaha guud iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday sheegeen inaanay Xisbi ahaan aqbalaynin, sharci-darrano ay yihiin oo aanay awood u lahayn Guddiga ku dhawaaqday, dibna loogu noqon doono.

Hase-yeeshee Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ahaa Guddoomiyihii Shir-guddoonka Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo isaguna xubin ka ahaa Xubnihii Shir-guddoonkaas, oo Habeenkii Jimcuhu soo galayeyyna shaaciyey Liisaska Magacyada Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas, ayaa maanta iyaguna Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in sifaha ay u mareen shaacinta Liisaska Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ay tahay sharci iyo tallaabo ay u oggol yihiin qodobbada Dastuurka Xisbiga u degsan.

“Waa naga Reebban tahay inaannu yuoo-yootanno oo caytanno, xaasha dhexdayada waliba intii isu dhaaratay ee Kitaabka gacanta saartay ee isku Xisbiga ah way ka reebban tahay, waxay ku dhammaysan karaan wadahadal iyo wax is weydiin inay bannaanka u soo saaraan oo aflegaaddo iyo cay la is dhaafsadaa, ciddii noocaas jeclyadna saaka heli mayso wax ay kiishka ka buuxsato.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Waxaanu Cadami oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Guddi loo doortay Shirguddoon awoodda ay leedahay oo aanan Barakyninnin oo aan badinaynin waxay ku kooban tahay wax alla wixii shirweynaha ka soo baxay oo go’aammo ah inay habayso oo qoraal ku soo gudbiso, dabadeedna cidda ay khusayso oo uu kaw ka yahay Xisbiga iyo Madaxdiisu inay farta ka saarto Xisbiga.”

“Waxa labaad ee aannu qabanaynay waxay ahayd ururinta liistooyinkii Ergooyinka Shirku soo gudbiyeen oo hab deegaan lagu soo gudbiyey, taasina kumay dhammaanaynin laba cisho iyo Labaatan cisho toonna, Arrin cusub oo aanu talada aanu bixinay ku darnay inn mustaqbalka laga ilaaliyo in wax lagu bixiyo Hab xisbinimo ah, wareerkii aanu tan ka qaadnay baana kallifay in wakhtigu dheeraado.” ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami.

Cadami waxa uu sheegay inay is-waafajiyeen dhammaan Liisaskii Beeluhu u keenayeen ee Xubnaha Golaha dhexe oo uu xusay inay qaarkood liisas is-khilaafsan keeneen oo ay hawl iyo waqti ku qaadatay is-waafajintooda oo ay u marayeen masaalaxo iyo isu soo dhawayn sida uu ku dooday.

“Hoggaanka Xisbiga ayaa nala joogay oo ogaa inaannu hawshaas wadno oo ogaa inaannu ummaddii kala fasaxno oo aan dadku u wada Rahmanaannin shirkii baa wali socda ee naloo igmaday inaannu wixii habkaas ku saabsan soo dhammaystirno. Waxa kale oo awood ah oo aannu ku darsannay intaa waajibka nagu ahayd ma jirto, waxaannu ku dedaalnay in markaannu dhammaystirnay inaannu ciddii ay khusaysay oo Xisbiga ah la Socod siinno.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Cadami waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in aflagaaddo loogu abaal-gudo iyagoo hawl badan qabtay, waxaanu yidhi; “Waa ognahay inaan Abaal-gud badan la isa siin, waa ognahay inaan duco badan la is tarin. Laakiin, ma malaysanayn in dhaxalkayaga iyo Abaal-gudkayagu noqdo in Madaxdii Xisbiga oo aannu hawsha sida wada-jirka ah uga wada shaqaynaynay in naloogu Abaal-gudo Wannifaad iyo Cay, waana Nasiib-darro, wax raddi-ficil ah oo aan hadda ka celinaynaana ma jiraan.”

Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees, oo Shirguddoonkaas xubin ka ahaa, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ku dooday inay guteen waajib Sharci oo saarnaa sida uu hadalka u dhigay, waxaanu intaas ku daray inay natiijadii ka soo baxday Hawshii ay qabteen oo ay ka mid tahay Golihii dhexe ee Xisbiga iyo Guddidii fulinta ay u gudbiyeen Xisbiga, taasina ay waajib ku ahayd.

“Guddidayadani waa Guddidii lagu doortay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, Shirweynaha Xisbiga waxa lagu soo dooranayaa Hoggaanka Xisbiga, waxa labaad ee lagu dooranayaa waa xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga. Sidoo kale waxa lagu dooranayaa Ansixinta Barnaamijka Xisbiga, go,aankii aannu ku shaacinnay Liiskii Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay beentii qarniga, annaguna waxaannu leenahay waa runtii qarniga.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees waxa uu sheegay in Guddigooda iyo Hoggaanka KUKLMIYE halka looga wada-taliyaa tahay Madaxtooyada, waxaana hadalladiisa ka mid aha;“Halka Guddiga fulinta lagu dooranayo ee lagu ansixinayaana waa Shirweynaha Xisbiga, wax khilaaf ah oo immika jiraana ma jiro, wax kasta oo shirweynihii lagu ansixiyay ama lagu doortayna caddaymahoodii ayaa la hayaa, waxa Guddidaydani lagu aamminayaa qof waliba waxa uu yahay KULMIYE-na laba ma kala aha Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyana waa mid qudha ee laba ma kala aha, Guddidayadan iyo Hoggaanka KULMIYE-ba Madaxtooyadaa looga wada taliya,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha madaxtooyada Somaliland.