Shir-guddoonka HOODAALE oo Shaaciyey Wakhtiga Rasmiga ah ee uu Furmayo Shirka Beel-weynta SACAD MUUSE

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Shirka Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse, ayaa shaaciyey wakhtiga rasmiga ee uu furmao Shirka Hoodaale isla maraana in la dhammastiriyey Hawlihii diyaar-garowga ee Qabsoomidda Shirkaas oo loo qoondeeyey inuu ku qabsoomo degmada Agabar ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa.

War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Shirguddoonka Shirka Mowliid Maxamed Muumin, ayaa lagu shaaciyey in Shirka HOODAALE si rasmi ah u furmi doono 22/09/2013 oo ku beegan maalin Axadda ah ee bilowga todobaada dambe, waxaana ergooyinka shirkaas ka qayb-galaya loogu baaqay inay ka xaadiraan isla markaana diyaar ku ahaadaan goobta shirka loo qorsheeyey ee degmada Agabar.

sawirka gudida hoodaaleWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho-weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.

Sidaa darteed, waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net