Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Namibia, kulamona la yeeshay madaxda ugu sarraysa dalkaas

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed oo booqasho shaqo ku tagay dalka Namiibiya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dalkaas isla markaana kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda sar sare ee Namibia.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Golaha Wakiillada Somaliland isla markaana uu weheliyo Qorshaha Marti-qaadka ee weftiga ayaa lagu xusay in Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland uu 22 April,2012 ka degay caasimadda dalkaas ee Lusaka, laguna dejiyey Hotelka ugu meeqaamka sarreeya caasimadda Namibia.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku xigeenkiisa waxay marti qaad rasmi ah ka helay dhiggooda baarlamanka dalka Namibia, Afhayeenka Baarlamanka Wadankaasi, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Namibia iyo Hogaanka Xisbiyada dalkaasi ka jira.

Weftiga Shir-guddoonku waxay Madaxdaas ay la kulmeen ay ka wada hadleen Xidhiidh iskaashi oo dhex mara labada baarlamaan iyo labada dal waxaana lagu wadaa inay maalinta beri ah ka qayb galaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland iyo ku xigeenkiisa labaad kulan uu Madaxweynaha dalka Namibia uu khudbad kaga hor jeedin doono labada gole ee sharci dejinta ee waddankaasi.

Weftiga Somaliland ee ka kooban Shir-guddoonka Wakiillada, waxa ay maanta la kulmeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Afhaheenka Baarlamanka Dalkaas, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Debedda ee dalkaas, Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn dalkaas ee Majority Party iyo ugu dambayn Xoghayaha Baarlamanka dalka Namibia.

Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo Md. Cali Yuusuf Axmed inta ay safarkooda shaqo ku jiraan oo qaadan doona ilaa 27 Bishan, waxaay la kulmi doonaan oo ay marti-qaad gaar ah ka haystaan Guddoomiyaha Gobolka Khomas Mr. Samuel Nuuyoma, isla markaana waxay maalinta Barri ah ay ka qayb-galayaan Fadhi Baarlamanka waddankaasi yeelanayo oo madaxweynaha dalkaasi ka jeedin doono Khudbad-sannadeedkiisa.

Ugu dambayn weftiga shirguddoonka Baarlamanka Somaliland kulan gaar ah la yeelan doonaan Raysalwasaaraha Dalkaas oo ay ka wada-hadli doonaan danaha labada dhinac ee kulankooda ku saabsan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net