Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo dawladda Somaliya uga digay inay Wax ka Beddelaan Qodobbadii ka soo Baxay Wejigii Afraad ee Wada-hadalladda laba Waddan

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md Siciid Jaamac Cali, ayaa dawladda Soomaaliya uga digay inay isbeddel ku sameyso qodobbadii ka soo baxay wejigii afraad ee wada-hadallada labada dal ee bishan horaanteedii ku qabsoomay magaalda Istanbul ee dalka Turkriga, kaas oo qodobkii ugu xaasaasinaa ee ku jiray ahaa is-afgarad iyo heshiis laga gaadhay murankii ka dashay maamul hawada Sare.

Md. Siciid Jaamac Cali  waxa uu sheegay in Somaliland ka tashanayso haddii dawladda Somaliya wax ka beddel ku samayso qodobbadii ka soo baxay wada-hadalladaas iyo heshiiskii laga gaadhay maamulka hawada Sare.

 “Waxa wada-hadalada goob joog ka ahaa Dawlada Turkiga oo iyadu marti qaadka Shirka fidisay. Haddii ay wax iska badelaan oo qodob ka mid ah qodobadaas, siiba qodobka Hawada oo ay yidhaahdaan intaas ha laga soo horaysiiyo ama ha laga dambaysiiyo, waa wax laga wada-hadli karo oo meel la isla dhigi-karo, laakiin haddii qodobka Hawada ay wax  ka beddelaan waxay noqonaysaa inay saamayn ku yeelato sii socodka wada-hadaladii iyo heshiiskii labada Dawladood ee wada-hadalada ,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha guurtida ee Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo u warramay Telefishanka madaxa bannaan ee HCTV.

Siciid JaamacMd. Siciid Jaamac Cali oo xubin ka ahaa weftigii Somaliland uga qayb galaysay wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay inay suurta gal tahay in wada-tashi ay ka yeelanayaan haddii Dawlada Soomaaliya isbeddel ku samayso qodobka heshiiska ee Hawada. “Haddii ay wax ka badelaan oo Baarlamaankoodu ansixiyaan isbeddel xukuumadoodu ku samaysay qodobka Hawada, waxa Dawladda Somaliland ku waajib ah inay iyaduna wada-hadal ka yeelato sidii ay ka yeeli lahayd wada-hadaladii iyo qodobkaas, waxaanu ka yeelan doonaa wada-tashi,” ayuu yidhi Md Siciid Jaamac.

Digniinta Somaliland u jeedisay Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Hawada ee Soomaaliya uu dhawr jeer ku celiyey in maamulka Hawada sare xaruntiisa ay noqon doonto Magaaladda Muqdisho, isla markaana Xarunta laga furayo Magaaladda Hargeysa ay ahaan doonto mid farsamo oo hoos taga xafiiska Muqdisho, Iyada oo qodobkii Heshiiska wada-hadallada ku jiray tilmaamayey in Xarunta Hawada laga dhigo Magaalada Hargeysa isla markaana guddi labada dal ka kooban ay wada-maamuli doonaan dakhliga iyo hawlaha Hawada Sare ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.INFO/HARGEYSA