Shir Deg Deg Oo Ah Oo Madaxtooyada Ay Ku yeesheen Matalayaasha Doorashooyinka Oo lagu Go’aamiyay In Diiwaangalintii Dib Loo Dhigo iyo Waddani oo Qaadacay

Hargyesa(Slpost)-Sadexda xisbi qaran komishanka doorashooyinka iyo qaar ka mid ah golayaasha qaranka ayaa kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen madaxtooyada ku go’aamiyay in dib loo dhigo diiwaangalintii codbixiyayaasha ee ka socotay dalka, waxaana arintan si rasmi ah uga horyimi xisbiga Waddani oo isagu shirkaas ka baxay.

Xisbiyada qaranka, madaxtooyada iyo golaha guurtida ayaa iyagu ayiday arintan, waxaana sabab looga dhigay xaalada adag ee abaaraha oo ku sii baahaysa gobalada dalka iyo xaalad adag oo ay galeen gobalada dalbeedka dalku.