Shir Beeleed Lagu Kala Reebayo Murashaxiin Oo Wajigiisii Koowaad Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa (SLpost) – Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Hargeysa iyo Gabiley (Jibriil Abokor iyo Xuseen Abokor), ayaa shir beeleed ay isugu yimaadeen ku gaadhay go’aan midaysan oo la xidhiidha mustaqbalka siyaasadeed ee beesha ay ka tirsan yihiin ee Sacad Muuse.

Kulankan oo ka bilaabmay Hoteel Guuleed munaasibad qaddo ah oo lagu qabtay, islamarkaana galinkii danbe laga wada fadhiistay, ayaa odayaashu waxaa ay ku heshiiyeen in beeshu qabsato shirweyne lagu soo saaro Murashax u tartama Doorashadda Madaxtooyada ee soo socota.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan oo ay ka qayb-galeen ilaa boqol oday, hase ahaatee warar u dhuun daloola shirarkan ayaa tibaaxay in ujeeddada laga lahaa shirku ay tahay sidii meesha looga saari lahaa wixii madmadow iyo tuhun ah ee wiiqi kara midnimada awoodda siyaasiga ah ee beesha Sacad Muuse.

Sida ay tibaaxayaan xogaha aanu helnay, shirka ayaa ka dhashay markii ay soo baxeen murashaxiin hor seedi kara in is barbar yaac ku yimaado beesha, iyada oo  Odayaasha iyo waxgaradka kulankan ka hadlay ay si weyn carrabka ugu adkaynayeen una taageerayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay tilmaameen inuu muddo dheer u soo gogol xaadhay murashaxnimadiisa iyo inuu hore daboolka uga rogay hankiisa siyaasadeed. Iyaddoo xogtu intaas ku dartay in shir weynaha loo ballamay oo aan la caddayn wakhtiga uu qabsoomi doona, sida qorshuhu yahayna u muuqata in lagu taageero hoggaamiyahan.

SOMALILANDPOST.NET