Shir Ay Hore Ugu Dhawaaqeen Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Qaban-qaabadiisu Socoto Iyo Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay

Hargeysa  (SL.Post) Siyaasiyiin ka soo jeeda bariga magaalada Burco iyo Koonfurta Hargeysa, ayaa dhawaan iclaamiyay qabashada shir lagu sheegay inay ku falanqaynayaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ujeedada ay ka leeyihiin tahay helista cudud mucaaridnimo.

 

 

axmed-mire

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hure  (Buubaa) oo u arrintan uga waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay,  ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha galbeedka Burco iyo bariga iyo koonfurta bari ee Hargeysa iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga Ucid ka bixiyey.

 

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay cadaadis la sheegay inay xukuumadu saartay sidii aan loo qaban lahayn shirkaasi, balse waxa uu tilmaamay in qaban qaabashada shirkaas ay gacanta u galiyeen madax dhaqameedka ilaa hadana aan wakhti loo qaban.

 

 

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa  oo ka hadlaya wakhtiga shirkaasi la qabany ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Shirkaas lama odhan dib buu u dhacay  mana maqal wakhti uu dhacayana lama sheegin, Guddidii dhaqanka ee loo saaray arintaas wali war nagumay soo celin  wakhti loo qabtayna ma jiro”

 

 

Ismaaciil Hure Buubaa oo aanu wax ka waydiinay cadaadiska la sheegay inay xukuumadu saartay qabashada shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay “Beeluhu waa kuwaas wada shiraya  ee meel kasta lagu shirayo  oo waxba kuma jabna, laakiinse waxa loo shirayaa waa maxay?, haddii uu yahay wax danaha umadda dhibaato u geysanaya ha laga fiirsado  laakiin haddii uu yahay shir wax hagaajinaya ilama aha inay wax dhibaato ahi ku jiraan, Aniguna  ma filayo wax dhibaato ah oo shirkan umadda  ugu jira inay ka soo bixi doonaan  wanaag mooye”.

 

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida ay la tahay aragtida uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka bixiyey shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Qofku xaq buu   leeyahay cidna afka la qaban maayo, lamana cabudhinayo, haddii uu isagu (Eng: Faysal Cali Waraabe) sidaas u arko shirka  dad badan oo kalena  si kale ayey u arkaan, waana dimuqraadiyad, qofna afka ma qaban karo qof kale laakiin waxa fiican in wixii wanaagsan laga wada shaqeeyo.”

 

 

 

Sidoo kale  mar aanu siyaasi Ismaaciil Buubaa waydiinay in ujeedada shirkaas ay u qabanayaan tahay sidii ay beelaha shirayaa u taageeri lahaayeen xisbi kaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “Ma jecli runtii aan ka hor dhaco, shirkan dad dhaqan ayaa loo saaray, waxaanu shirkani ku hawlan yahay wanaaga iyo wax wada qabshada, arimaha siyaasadana waa loo iman doonaa oo wakhtigooda ayaa la gaadhi doonaa, sidaas ayaanay arintu madax dhaqameedka gacantooda ugu jirtaa oo aanay siyaasiyiinta ugu jirin.”

 

 

Somalilandpost Hargeysa.