Shiinaha oo Japan Ku Dhaliilay In Ciidankooda Ay U Ogolaadeen Inay Dalka Dibadiisa Ka Dagaalamaan

 

China(SLpost)-Dalka Shiinaha ayaa sheegay in xukuumadda Japan ay halis galinayso nabada gobolka kaddib markii Japan ay meelmarisay sharci muran dhaliyay oo ku saabsan balaadhinta doorka millitari ee dalka dibadiisa.

Wasiirka difaaca ee Japan ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalkiisu uu si qoto dheer wax uga barto taariikhda, hadalkaasi waxa uu sheegay kaddib markii ay baarlamaanku u codeeyeen sharcigaasi.

 

150720104733_cn_taiwan_military_parade_tanks_512x288_afp_nocredit

Sharcigan la meelmariyay wuxuu ciidammada Japan u ogolaanayaa in ay ka dagaalamaan dalka dibadiisa markii ugu horaysay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka oo 70 sano laga joogo.

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Japan ayaa sare u kacay waxayna isku hayaan jasiirado ay labada dalba sheegtaan.

Sharcigan ammaanka waxaa u codeeyay aqalka sare ee baarlamanka Japan xili dambe oo jimcihii ah, 148 xildhibaan ayaa taageeray waxaana ka soo horjeedsaday 90 kale.