Shiinaha Oo Jabuuti Saldhig Militari Ka Dhisanaya

 

Jabuuti(SLpost)- Miltariga Shiinaha ayaa wada hadallo kula jira, dalka Djibouti, kuwaas oo ku aadan sidii uu Shiinuhu uga dhisan lahaa dalkaas saldhigyo, taageera howlgalada Shiinaha ee dhinaca Nabad ilaalinta iyo la dagaalanka Budhcad badeedda.

 

Hadalkan ku aadan wada hadalka Djibouti iyo Shiinaha ayaa waxaa shaaciyay labadaba wasaaradood ee difaaca iyo arrimaha dibadda ee Shiinaha, maalinimadii Khamiis.

 

Hadalkan ayaa sidoo kale ka dambeeyay hadal bishii May ee la soo dhaafay uu Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle u sheegay warbaahinta Faransiiska, oo ahaa in dawladiisu ay wada hadal kula jirto Shiinaha ku aadan saldhigga uu doonayo Shiinaha inuu ka sameysto dalkaas.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha , Hong Lei, ayaa sheegay in saldhigyadan ay shiinaha ka caawin doonaan dhinaca sahayda,  gaar ahaan shidaal qaadashada maraakiibta iyo dayuuradaha Milatary ee shiinaha, waxey yeelan doonaan meelo ay ku nastaan ciidamada Shiinaha oo ay isku abaabulaan marka ay howlgallo ka fulinayaan Africa, iyo keydad cunto.

 

“Xarumahan la dhisayo waxey ka caawin doonaan ciidamada Shiinaha, inay kaalin mug leh ku yeeshaan howlgalada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay , inay fuliyaan howlgallo ay ku ilaalinayaan maraakiibta mareysa xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed, isla markaana ay bixiyaan kaalmo bani aadnimo, waxey shiinaha ka caawin doonaan gudashada waajibaadyada caalamiga ah, si ey gacan uga geystaan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayuu yidhi afhayeenka.

 

Afhayeen sidoo kale u hadlay wasaaradda difaaca ee Shiinaha ayaa sheegay in Shiinuhu uu doonayo inuu kaalin muuqata ka qaato xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

 

Horaantii bishan, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Shiinuhu waxa uu booqday Dalka Djibouti, halkaas oo uu ku soo kormeeray markabka ciidamada badda Shiinaha ee qeybta ka ah howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda.

 

Mareykanka, iyo Farnsiiska oo Djibouti gumeysan jiray ayaa labaduba saldhigyo military ku leh dalkaas.

 

Waxaa intaa dheer in ciidamo kala duwan oo dalal kale ka soo jeeda ay adeegsadaan dekedaha Djibouti, gaar ahaan ciidamada qeybta ka ah la dagaalanka budhcad badeedda xeebaha Somalia.

 

Dadka ka falooda arrimaha milatariga ee reer galbeedka ayaa xidhiidhiyay Qorshaha Shiinaha ee saldhigan iyo horumarka military ee uu gaadhay, laakiin Bejing oo ka jawaabeysa walaacaa ayaa sheegtay inaysan saldhig military oo weyn aysan ka dooneyn inay ku yeelato meel shiinaha dibadda ka ah.

 

Geeska Africa waxaa ka jooga Shiinaha ilaa iyo sanadkii 2010kii, maraakiib dagaal oo qeyb ka ah howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda Somalia.