Shiinaha Oo Goobaha Dadweynuhu Isugu Yimaadaan Ka Mamnuucay Cabidda Sigaarka

Beijing, (SLpost)-  Xukuumadda Shiinaha ayaa manuucday in Sigaarka lagu cabo goobaha ay bulshadu iskugu timaaddo, sida makhaayadaha, xafiisyada iyo goobaha basaska laga raaco ee ku yaalla caasimadda Shiinaha ee Beijing, ka dib markii la adkeeyay sharciyadii hore u jirtay.Shiinaha_oo_Mamnuucay_Sigaarka

Dawladda Shiinaha  oo mid ka mid ah dalalka uu aadka ugu sarreeyo cabitaanka sigaarka caalamka oo dhan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo milyan qof oo u dhashay dalkaasi ay sigaarka cabaan.

Hase yeeshee, laga billaabo maanta oo Isniin ah waxa xarunta waddankaas ee Beijing laga mamnuucay in sigaar lagu cabo meelaha ay bulshadu ku badan tahay, iyadoo goobahaas la dhigay askar si ay uga hortagaan kuwa doonaya inay goobahaas ku cabaan sigaarka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay kormeerro joogto ah ku samayn doonaan goobaha ay dadweynuhu ku badan yihiin, iyadoo qofkii sharcigan jabiya uu la kulmi doono ganaax lacageed oo dhan 30-doollarka Mareykanka ah.

Dr. Angela Pratt oo ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sharcigan cusub ee lagu xaddidayo cabista sigaarka Shiinaha ee lagu xakamaynayo in lagu cabo sigaarka goobaha ay bulshadu isugu timaado uu yareyn doona cabista sigaarka dalkaas.

Wariyeyaasha ayaa sheegaya in inta badan shacabka ayaa aaminsan in mamnuucidan ay sidoo kale noqon doonto mid aan wax ku ool ahayn, iyadoo talaabadan ay kusoo beegmayso xilli shalay oo Axad ahayd caalamka looga dabaal-dagayay maalinta joojinta sigaar cabista.

Somalilandpost.net