Shiinaha Oo Doonaya Inuu Saldhig Ka Samaysto Jabuuti Iyo Madaxweyne Geelle Oo Ka Hadlay

Jabuuti, (SLpost)- Dawladda Shiinaha ayaa kala xaajoonaysa dalka Jabuuti sidii ay uga samaysan lahaayeen saldhig milatery, taasoo dalkaas u noqon doonta taariikh dhinaca horumarka ah, iyadoo waddamada Shiinaha iyo Mareykanka oo ah waddamada ugu tunka weyn adduunku ay wada degi doonaan waddanka aadka u yar Jabuuti.China iyo Djiboutiu

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wada xaajoodkaas Shiinaha iyo Jabuuti uu socdo, isla markaana ay dawladda.

Dala Jabuuti ayaa waxa saldhig milateri ku leh Mareykanka, kuwaasoo ay degan yihiin ciidamada  ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada, dalka Yemen iyo Afrika. waxa kale oo saldhig u leh dalka Faransiiska ooh ore u guumaystay dalka Jabuuti iyo ciidamo ay leedahay dawladda Japan ka hawl-gala ilaalinta budh-cad baddeeda Soomaaliya.

“Dalka Faransiisku hore ayuu u joogay, saldhiga Mareykankuna wuxuu naga caawiyay la dagaalanka argagixisada gobolka oo dhan” ayuu yidhi madaxweyne Geelle oo la hadlayay wakaallada wararka dalka Faransiiska ee AFP. “Japan oo saldhig ku leh halkan (Jabuut) wuxuu ka hortagaa budhcad-baddeeda, imikana dalka Shiinaha ayaa doonaya inay danahooda ku ilaashadaan halkan, waananu soo dhaweynaynaa.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Jabuuti.