Shidaalka Aasan Mise Ka Dhulka Dulyaala = (Xoolaheena,Xoolaheena)!! – W/Q: Qalinkii A. A. Kahin

Waxa dhagaheena ku badan qodidada shidaalka, taasi oo dhalisa muran dhaqaale iyo mid siyaasadeed, dhimasho iyo dhaawacbana keentay, hadaba waxaa mudan qiimaha uu leeyahay shaygani, (Saliidada Qaydhin) markaynu maqalno waxaa la xasuusanayaa lacagta iyo barwaaqada, khaliijka taala ee xoogsato badani kasoo shaqaysteen,

Balse dadbadani ma xasuustaan shidaal kale oo aynu leenahay oo ka qaalisan kan dhulka ku duugan, dadkuna ay isku haystaan hadaanay shidaal haysan in fiqiir yihiin,

Hadaba shidaalka, iyo xoolaheena, hadii aynu isbarbardhigno oo ah halkaan u socdo, shidaalkan qaywdhini, waa qaniimad ku aasan dhulka dunida meelo badan waxaanu leeyahay noocyo kala duwan, waa mid ka mida awoodaha dhaqaajiya dhamaan warshadaha iyo qalabka wax soosaar ee dunida, baahi wayna waa loo qabaa, sidaa daraadeed waxa uu saameeyaa ama jaangooyaa siyaadado badan oo dunida laga dhaqmo,

Hadaba waxaad maskaxda ku haysaa in furaha shidaalku yahay, taagta maskaxeed ee umada leh shidaalka, waxan u jeedaa aqoonta iyo qaabka nololeed ee dhaqan dhaqaale ee bulshada,  taasi uunbuu la  jaan qaadaa, hadii umadu tahay umad ilbaxa sida Norway iyo wadamo kale, iyo hadii ay tahay bulsho  suuqweyn ah oo wax laga iibiyo Sida khliijka, iyo hadii ay tahay bulsho Jahli iyo kala qaybsanaani ragaadisay  isna cunta sida Nigeria, shidaalkuna waxa uu u’egyahay hadba qaabka bulshadaasi u nooshahay.

Hadaba waxaa jira Shidaal kaasi ka fudud oo ka qaalisan oo ah Xoolaheena, xoolaheenii halkay marayaan maanta, iskaga sheekaynmayno,  Magaaloyinkaa la ymid, xoolihii waxay marayaan in daaqii loo diido, oo nin ba meel oo’to, daaqana la iibiyo, oo jaad la siisto,

 xooluhu waa qaniimad aanay ku baxay lacagta shidaalka soosaristiisa ku baxaysaa, waxanu inooo jira helid iyo waayidba in kabadan 1500 mitir, halka  xooluhu ay dhaqid uun u baahan yihiin, xooluhu way sii tarmaan halka shidaalku ka gudho marba marka ka dambaysa,  xoolaha iyo daa’qoodu way is ag’yaalaan,

Xxooleheenii ayannu dayacnay, maanta shidaal baynu u han’qaltaagaynaa, waxa run ah in dhamaan dadka magaalada jooga ay beerahoodii bilaa oo’d tahay, ama uu oo’d kaga xaaraantinimeeyay xoolihii, xoolaheena oo ah lafdhabar baahi badan ay u qabaan wadamada aduunku, gaar ahaaaan khaliijka, waxa maanta xoolihii marayaan in neefkii gaadho ku dhawaad $100 dollar, taasina ay keentay yaraanta xoolaha ee sayladaha, xataa barnaamijkii Radio Hargeisa ee odhan jiray (Xoolaheena,Xoolaheena,) ayaanad maqlaynba dadkeenuna way ka faanaan xoolaha oo hadaad qof ku tidhaah adhi’jir, ama lo’jir, ama geeljire’ waaba shayla isku liido ama la isku xaqiro, halka laga faano waxaan hayaa Supermarket.

Ilaa Dadkeena,Xoolaheena,Beeraheena, aynu horumarino aqoon ahaan, way adagtahay in ayu ka horumarno xaga hunguriga, waayo dadka oo aqoon lihi way fududahay in aanay caqabad ku noqon horumarka dadka iyo dalka.