SHIDAAL-QODIS – W/Q: Cali Nuux Ducaale

Qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii markii faranjigu dhulka Soomaaliyeed qaybsanayey ayaa laba nin oo Ingiriis ah oo kala ahaa Richard Burton iyo J.H. Speke oo sahamiyeyaal ahaa, waxay  qaybsadeen sahan. Waxay ka wada tirsanaayeen ciidanka British India. Richard wuxu u baxay Harar,  dhamme  Speke-na wuxu  u baqoolay Nugaal oo dahab loogu sheegay. October 1854 ayaa midba jaho u dhaqaaqay. Speke wuxu tegey tuulo dhulka Warsangeli ku taal oo la yidhaa Bunder Goray. Wuxu ka gudbey silsilad buuro ah, ka dib wuxu ku daadegey dhul bannaan oo qallalan oo an indhuhu kuu qabaneyn. Isaga oo weli ka fog u jeedadiisa ayuu dib u laabtay. Wuxu ka shakiyey gadhwadeenadiisa, waxase xannibey Dhulbahante dirirsan, waxanu gaadhey Bunder Goray 29 January 1855.

Speke wuxu ku sheegay safarkiisa 3da bilood ah faa’iido laawe, sida u qoray buugga “the warrior mullah” oo u qoray Ray Beachey kuna saabsan Maxamed Cabdalla Xasan. Dahabka laga hadlayna wuxu ku sheegay been. Horta haddii u helo-na, waan helay lagama eegayn. Su’aashu waxay tahay dahabka Nugaal ku jira siduu ku ogaadey faranjiga Cadan joogey  illayn berigaa qalab cirka wax ka sawira farsamada aadamuhu may gaadhine. Waata la yidhi Soomaalidu waa “oral society”  bulsho hadal, waa la yidhi baa layidhi, sidaa ayuu warku ku gaadhey caddiinka oo saldhig weyn ku lahaa Cadan.

Dooxada Nugaal ka waxay soo farcantaa galbeed, inkasta oo an galbeed laga odhan magacaa, iyada oo soo marta Aw Barre, Wajaale, Allaybaday, Wado Makaahiil, Faraweyne, Dabataxan………..Oodweyne………

Togdheer……… Nugaal.

Markay Togdheer bari u dhaafto ayay  noqotaa Nugaal, taas oo ah dalsan xooluhu ku naaxaan. Cabdi Qays ayaa yidhi, “geeluba naq doogliyo nugaal wuu ku dararaa meel ay nabadi taallee”.

Haddii 1854 faranjigu dahab ka baadhay Nugaal, maanta wuxu yidhi ‘waxan ka baadhayaa badrool Oodeyne …. Caynaba …….  Aniguna waxan leehay allaw badrool baadhis ka dhig hakase dhigin dahab qodasho.

Cali Nuux Ducaale

Tel 0634176986.