SHEEKO XIISO LEH – Bakhaylkii Xeeladda Yaqaanay ~ W/Q: Cali Xuseen

Waxa la yidhi baribaa waxa jiray nin. Ninku dadka wax ma siiyo mana deyrsho, Qof walba xeelad iyo khiyaamuu kaga baxaa oo qof waliba wuxuu ka tagaa isaga oo farxaan ah oo aan wax la siin. Berigii dambe ayaa ninkii la isu wada sheegay oo la ogaaday.

Maalintii dambe ayaa afar wadaad ninkii soo raadsadeen oo is yidhaahdeen; Bal ninkan la sheegayo soo eega oo haduu bakhayl yahayna wa…cdiya haddii dadku been ka sheegayana dadka ka celiya.

Wadaaddadii baa ninkii u yimi oo ku yidhi “Waar ma adaa ninka bakhaylka ah ee la sheegaa?”
Markaasuu ninkii yidhi “Walaalayaal dadka ha ii maqlina ee waxaad iga aragtaan igu xukuma, iminkana soo dhowaada si gobanimo ah baan idiin sooryaynayaaye”

Markaasaa wadaaddadii is eegeen oo is yidhaahdeen “Waar malaa dadkaa been ka sheegaya ee aan fadhiisanno oo wuxuu yeelo eegno”.
Markaasaa ninkii afadiisa oo aad u af taqaana u yeedhey oo uu ku yidhi; Naa ardaa-nijaasigii harag-ey nimanka u soo gogol”
Nimankii baa markay nijaastii iyo harag ey maqleen is eegay oo yaabay. Markaasaa naagtii harag ardaa u soo dhigtay. Markaasaa nimankii oo shakisan uu haddana naagtii ku yidhi;
“Naa hadhuubkii Qar Dooro saalo dameereed ku soo uumi” Nimankii markay hadhuubka magac xumaantiisa iyo waxa lagu uuminayo maqleen ayaa naxdin iyo yaab loo keenay. Markaasay naagtii wax aanay nimaku aad u arkayn hadhuubkii ku uumisay. Markaasay u timi oo tidhi; “Hadhuubkii waa diyaar” Markaasuu haddana ku yidhi; “Orod oo sacii hebel ee aan agoonta ka soo dhacay odayaasha u soo lis”
Markaasaa wadaaddadii iyagoo muraaradilaac ah meeshii ka dareereen oo yidhaahdeen: “Waar naga tag soortaada cunni mayno’e shaydaanyohow”
Markaasuu ka daba tagay oo ku yidhi, “Walaalayaal ha iga tagina eh waxaan idin siiyo hubsada”.Ma niman waxaa maqlay baa wax hubsanaya judhii bay wadada cagta saareen. Isna waa intuu doonayay.

Cali Maxamed Xuseen Wacays

wacays_gg@hotmail.com