Sheeko Qosol Badan Nin Waalan Oo La Sii Waalay – W/Q: Cali Maxamed

Gabadh ilaa xad isku dhex yaacsanayd  ayaa soo booqatay reer ay qaraabo yihiin, waxa ay gabadhu uga cabaysay reerka in la falay ama la sixray una baahan tahay in quraan lagu akhriyo .

Daqiiqad ka bacdi nin isaguna waalnaa  oo ay isla reerkaas xidid ahaayeen  ayaa yimid aqalkii . waxa iyadoo lala kaftamayo loo sheegay ninka  in ay gabadha meesha fadhidaa  xanuunsanayso, lagana rabo in uu isagu quraanka ku akhriyo.

Waxaa ninkii waalnaa lagu yidhi gabadhan ku akhri quraan haddii ay bogsatona waa laguu dhisayaa oo laguu guurinayaa .

Ninkii waalnaa oo la qabay tuhun ah in waalidiisu la xiriirto baahi naageed ayaa farxay oo dhoola cadeeyay. Waxa uu agfadhiistay gabdhii waxa uuna si jacbudh ah ugu akhriyay suurado gaagaaban oo quraanka ka mid ah , dabadeedna wuu iska tagay ninkii waalnaa .

 Habeenkii labaad ayaa ninkii dib ugu soo laabtay aqalkii waxaa habeenkaas aqalka joogtay gabadh kale oo marti ahayd isla meeshiina fadhiday balse iyadu caafimaad qabtayquruxbadnayd isla markaasna aad u xaragoonaysay. Ninkii waalnaa ayaa gabadhii waydiiyey xaaladeeda caafimaad , waxa aanay ugu jawaabtay in ay aad u caafimaad qabto.

Ninkii waalnaa inta uu ku soo booday gabadhii ayaa uu faraqa ku dhagay wuxuuna moodaayey in ay tahay tii uu habeenkii hore quraanka ku akhrinaayey oo soo caafimaaday. Wuxuuna yidhi quraankii aan ku akhrinaayey ayey ku soo bogsatay oo waliba ku qurux badnaatay fadlan gabadha ha la ii dhiso oo ha la ii fuliyo balantii oo hada ha la ii meheriyo hana la ii aqal geeyo caawa.

Waxaana reerkii gabdhu u martida ahayd dhibaato ku noqotay sidii ninka waalan looiga fujin lahaa gabadha loona qancin lahaa

Waxaa soo diyaariyay

ALI MAHAMED HUSSIEN