SHEEKO KALE KEEN: Wax Ku Qaado Waanada ~ W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Habiinkii “Laylatul Israa”, markii uu Rusulkeenu, Sala Laahu Calayhi Wa Salam, samada u dheelmay isga oo Malak Jibriil, Calayhi Salaam, la socdo, waxa la tusay dad wixii aduunkii ay ka shaqaysteen abaalkeedii la mariyay ka dib markii ay dhinteen. Sida culimo ay ka midyihiin Al-Bayhiqi iyo Ibn Jariir inoo soo gudbiyeen, aragtiyahaa Rasuulka, Sala Laahu Calayhi Wa Salam, lu tusay ee uu inoosoo tebiyay, ujeedadeedu waxa weeye inaynu wax ku qaadano. Waa waano Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, ka timi oo uu inoo keenay Rasuulkii runta iyo raxmaddu (SLCWS). Bal Ilaahay haynagu anfaco eh, aan tusaalooyinkaa qaar ka soo qaadno.

Wuxu arkay dad dhagxan waawayn madaxa laga saarayo oo dhulka ku dhacaya. Hadana soo kacaya; hadana dhagaxii la saarayo; hadana dhulka ku dhacaya. Falkaasna lagu celcelinayo. Rasuulki (SLCWS) Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yidhi, “Waa maxay dadkani?” Jibriil wuxu ku yidhi, “Waa dadkii aan tukan jirin; ee aan salaad foodda dhigin.”

Hadana wuxu arkay dad jeex yar oo maro ah, oo caradooda uun qarinaya, inna xagga hore saaray inna xagga dambe, oo ku foofaya dhirta naarta iyo dhagaxeeda sida xooluhu ugu foofaan geedaha. Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yidhi, “Waa kuma kunna?” Wuxu ku yidhi, “Waa kuwii aan xoolahooda sekeda ka bixin jirin.”

Hadana wuxu arkay dad luqantoodu ta geela oo kale tahay oo inta afka loo kala qaado lagu qulaaminayo dhagaxan naar ah; isla markiibana inta ay qayliyaan dabada ka sii daynaya. “Kuwanna waa kuwama?” Ayuu ku yidhi Jibriil. “Waa kuwii xoolaha agoonta dulmi ku cuni jiray.” Ayuu u sheegay Jibriil.

Hadana wuxu arkay dad calooshoodu tahay sida guryaha oo kici kari la’. Markay kaca is yidhaadaana dib u dhacaya. “Kuwana waa kuma?” Ayuu ku yidhi Jibriil. “Waa kuwii ribada cuni jiray,” ayuu ugu jawaabay.

Hadana wuxu arkay dad dibnaha lagaga jarayo maqas xadiid ah. Marka la jaro ka dibna, sidoodii ku soo noqonayaan dibnihii. Hadana la jarayo. Sidaasna lagu celcelinayo. “Kuwana waa kuma?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa kuwa hadalkoodu fidnada kiciyo,” ayuu ugu jawaabay.

Hadana wuxu arkay nin urursaday rar weyn oo aanu qaadi karayn; hadana leh ha laysoo kordhiye. “Kana waa kuma?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa nin ummadaada ka mid aha oo amaana sida oo qaadi kari la’; hadana doonaya in loo kordhiyo,” ayuu ugu jawaabay. Alahayow na nabadgeli oo nicmadaada naga dhawr.