SHEEKO KALE KEEN: Waaq-Waaq – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Shimbiraha waxa u dhaqan inay heesaan. Heesahoodan dadku way jeclaystaan. Tukuhuna sida shimbraha kale ayuu u heesi jiray. Hase ahaatee, waxa dhacday inuu maalin maqlay geenyo heesaysa.

Codkii geenyada ayuu aad u jecelaystay. Wuxu ku tashaday inuu sida geenyada u heeso. Tababar iyo ku dayasho joogto ah ayuu bilaabay. Aadna wuu ugu dadaalay inuu sida geenyada u heeso.

Wuu dadaalay, oo dadaalay, oo dadaalay. Hase ahaatee, inkasta oo uu dadaalay, tukihi sidii geenyada waa heesi kari waayay. Isaga oo xiiqsan ayuu naftiisii ku yidhi, “Dadaal badan baan sameeyay. Waanse ku guulaysan waayay inaan sida geenyada u heeso. Bal hadaba aan sidaydii hore hees shimbireedkii iskaga heeso.”

Markuuse is yidhi sidaad hore u hees, ayuu codba ka soo bixi waayay! Halkaasuu hadana dadaal kale ka bilaabay. Siduu u dadaalayay, ayaa waxa ka soo baxay “waaq, waaq”!!!