SHEEKO KALE KEEN: Tuke iyo Xuur – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Tuke ayaa wuxu ku hinaasay xuurta baalka cad leh. Wuxu jeclaystay inuu bedelo baalkiisa madow oo baal cad yeesho. Markii xuurtii u fiirsady, ayaa waxay la noqotay inay biyahan ay  xuurto ku nooshahay ee mar walba ku jirto baalkeeda cadeeyay.

Ka dib markii ay sababti sidaa ugu muuqatay, ayaa wuxu tukihi goostay inuu dhirtan uu saaranyahay guudkeeda ka soo dego oo, sida xuurtana, biyaha ku noolaado si uu baalkiisu u cadaado. Dhirtii ayuu ka caagay; oo wuxu u go’ay webiyada iyo harooyinka.

Hadh iyo habeenba biyihii ayuu ku jiraa si uu baalkiisa madoobi u cadaado. Wuxu ogaaday inaanu qaadhaabkii oo dhirta guudkeeda iyo dhulka ka heli jiray biyaha ka helayn. Hase yeeshee, wuxu is tusay inuu muddo gaajada u adkaysto si uu u cadaado.

Haddii uu muddo ku jiray biyihii, gaajona ku raagtay oo taag dareeyay, ayuu baalkiisii eegay. Wuxu arkay inuu weli  madowyahay oo aan waxba iska bedelin. Markaasuu ogaaday in madowgu dhalanyahay oo aan biyuhu caddaynayn. Goor dambe ayuu se wax gartay. Markuu is yidhi duul oo dhirtaadii ku noqo ayuu duuli kari waayay; iyada oo ay isugu darsameen baalkii oo ka qoyay iyo gaajo. Biyaha dhexdoodiina wuu ku le’day!!!