Sheeko Kale Keen: Tab keliya – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Dinad iyo Dayaa sheekaystay. “Imisa tabood oo aad cadawga kaga nabadgasho ayaad taqaanaa?” Ayay Dayo waydiisay Dinad. “Tab keliya oo aan cadawga kaga nabadgalo ayaan aqaanaa,” ayuu ugu jawaabay dinad.

Iyada oo faanaysa ayay dayo ku tidhi, “Anigu tabo badan ayaan aqaanaa oo kolba taan doono ayaan la soo baxaa.”

Ka dib markay intaa ay isdhaafsadeen, ayay arkeen raxan ey ah oo xagoodii u soo ordaysay. Geed dheer oo ku dhow ayaa Dinad koray. Intu hoos u eegay ayuu ku yidhi Dayo, “Anigu tabtii keli ahayd ee aan aqaanay waanigaa adeegsadee, adigu tabahaagii tee baad raacaysaa?”

Dayo u may jawaabin Dinad oo waxay kaga mashquushay inay tabaheedii badnaa kolba tay raacayso eegto. Siday isula doodaysay ee kolba tab u eegaysay, ayaa eydii soo gaadheen oo qabsadeen.

Isaga oo ka xun waxa Dayo ku dhacay, ayaa Dinad mar kale hoos eegay. Wuxu arkay Dayo oo eydi sii sidato. Intuu ka aad ugua xumaaday waxa Dayo ku dacay ayuu yidhi, “Dayow, tab keliya oo aad ku nabadgasho ayaa dhaanta boqol tabood oo aad ku nabadgeli weydo.”