SHEEKO KALE KEEN: Sheekooyin Fakaday – By Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Jiirku guri kasta waa gala. Guriyaha saboolka ah, kuwa hodanka ah, kuwa yaryar, iyo kuwa waaweynba. Waxa la sheegay in uu ka sheekeeyo waxa uu ku arko guryahaasi. Sheeko walbana midab ayuu u yeeli jiray: mid cad, mid cas, mid cawlan, mid cagaaran, mid cirow ah, mid maaariina ah, yo mid midow. Waxaanuu sheekooyinka ula dhaqmi jiray sidii carruur uu dhalay.

Godkiisii ayaa jiirku kula noolaa sheekooyinka carruurta u ah. Mabsuud baanay halkaa ku ahaayeen isaga iyo sheekooyinkiisu.

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Xaaladdii jiirka oo sidaa ku sugan ayaa roob weyn da’ay. Ka dibna daad ayaa jiirkii iyo sheekooyinkii godkii ugu galay. Jiirkii iyo sheekooyinkiisii midbada badaanaba, daadkii ayaa godkii ka soo saaray oo debdda soo dhigay. Ka dibna, sheekooyinki way fakadeen. Ilaa iyo maantana debedda ayay yaacayaan!!!