Sheeko Kale keen: Sacab iyo Dhiirigelin. by Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Waxay jiray arday aad u jeclaa in uu noqdo jilaa weyn. Riwaayadaha dugsiyada lagu dhigo ayuu ka qayb qaadan jiray. Dhawr dawr ayuu jilaa ka noqday oo ku guulaystay. Ka dib wuxu ku hamiayay in uu dawrarka waaweyn e dadku aad u xiiseeyo mar uun qato oo jilaa weyn oo caan ah noqdo.

Isaga oo isla maqan oo naftiisa u sheekaynaya, ayaa aabihii arkay.

“Waar maxaad ku hamiyaysaa?” ayuu weydiiyay.

“Waxan ku hamiyayaa in jilaa weyn noqdo. Riwaayada caan ah ayaa dhowaan laga dhigayaa dugsigayaga. Waxan ku hamiyayaa in aan dawrka ugu weyn qaato; oo jilaa weyn noqdo,” ayuu aabihii u celiyay.

“Khayr baan kuu rajaynayaa,” ayaa odaygi ku yidhi.

Maalin dambe ayaa odaygi arkay inankiisii oo guriga joooga oo faraxsan.

“Waar ma dawrkii aad doonaysay ayaad ku guulaysatay?” Ayuu weydiiyay.

“Hayaayay! Ka waaweyn! Kaalinta sacabka iyo dhiirigelinta ayaa lay doortay!!!” Ayuu celiyay.