SHEEKO KALE KEEN: Raxan Gaagaab ah – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Qoraaga Carbeed ee caanka ah ee la yidhaa “Al-Jaxid”, oo uu kutubtiisa ka mid yahay kitaabka canka ah ee la yidhaa “Al-Bukhalaa”, ayaa sheeko xiiso leh oo isga qabsatay, kitaabkaasi kaga sheekeeyay.

Wuxu qoraagu sheegay inay jirtay qof gabadh xaalad nafsi ahi heshay. Gabadhii waxay sheegatay inay habeenkii seexan la’dahay, oo mar alla marka ay jiifsato raxan jin ah oo gaagaabni u ku soo ururayaan oo ciyaar aan kala go’ayn habeen oo dhan dusheed ka qabsanayaa.

Markii xaaladdii ay ku jirtay qaadi kari weyday, gabadhi waxay u tagtay wadaad. Dhabaatadeedina way ugu warantay. Wadaadkiina waxay weydiistay inuu ka furdaamiyo jinkan gaagaaban ee ay habeenkii ka seexan la’dahay.

Wadaadkii markii uu xaaladdii gabadha aad u eegay, ayaa wuxu ku yidhi, “Cilaaj kaa kaxeeya jinka gaagaaban ayaan kuu qorayaa. Waxanse doonayaa si cilaajku u fulo, inaad ii keento qof insi ah oo eg jinkan gaagaaban ee aad ka seexan la’dahay.”

Gabadhii markii ay wadaadka kaalintiisii ka baxday, ayaa waxay la kulantay Al-Jaaxid oo jidka marayay. Al-Jaaxidna wuxu ahaa nin gaaban. Gabadhii inta ay Al-Jaaxid joojisay ayay ku tidhi, “Raali iga ahaw, walaal. Waxa ku doonaya wadaadka kaalinta leh.” Gabadhii intay Al-Jaaxid soo kaxaysay ayay wadaadkii gacanta ka saartay. Ka dibna way ka tagtay.

Wadaadkii ayaa Al-Jaaxid ku yidhi, “Waxan kuu doonayo gabadh ma kuu sheegtay?” “Maya,” ayu yidhi Al-Jaaxid, “ee waxay igu tidhi wadaadka kaalintan leh ayaa ku doonaya.” Wadaadki wuxu ku yidhi Al-Jaaxid, “Gabadhu waxay ka seexan la’dahay raxan jin ah oo gaagaaban oo habeen oo dhan dusheeda ku cayaaraya. Waaxanay iigu timi inaan ka furdaamiyo jinkaasi gaagaaban ee ay ka seexan la’dahay. Cilmi dibigii markii aan eegayna, waxa cilaaj u noqday inaan qof insi ah oo jinkaasi ay ka seexan la’dahay u eg helo. Inaan gabadha furdaamiyaana taas ayay ku xidhantahay. Sidaas ayaad iigu timi oo luguu soo kaxeeyay. Si aynu gabadha u furdaaminona, cliaajkii ayaynu hore ka gelaynaa u diyaar garow!!!”