SHEEKO KALE KEEN: Ma Biciid Ma Faras – W/Q: Prof Abdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Boqoradii Shiinaha mid ka mid ah ayaa dhintay. Intaan ciddii boqortooyada dhaxalka u lahayd la saarin carshiga, ayaa ninkii Wasiirka Kowaad u ahaa qorshe uu awoodda boqortooyada ku hantiyo dejiyay. Wuxu shirqoolay ninkii carshiga xaqa u lahaa; waxaanuu boqoray nin kale oo uu gacanta ku hayo.

Wasiirkii Kowaad boqorkii cusbaa gacanta ayuu ku qabtay; isaga oo ku gabanaya boqorkana, taladii dalka isaga ayaa qabsaday. Hasa yeeshee, weli mar werwer beelin. Maxaa yeelay, wuxu dareen ka qabay inay halisi kaga timaado golaha wasiirada. Ka dibna qorshihii labaad ayuu dejiyay.

Wuxu la yimi tijaabo uu  wasiirada ku tijaabinayo si uu u kala ogaada ka daacadda u ah iyo ka aan u ahayn.

Boqorkii oo golihii boqortooyada fadhiya, ayuu biciid keenay. Intuu boqorkii salaamay ayuu ku yidhi, “Boqor, waxan golaha keenay faras.” “ Waad qaldantahay, Wasiir Kowaad,” ayuu ku yidhi boqorki, “ma biciid baad faras ku sheegaysaa?”

Wasiirkii Kowaad wuxu ku jeestay wasiiradii oo hal hal u weydiiyay inuu xayawaankan uu golaha keenay yahay biciid iyo inuu yahay faras. Wasiiradii qaar way aamusayn; qaarna waxay yidhaahdeen waa biciid. Hasa yeeshee, kuwii gartay in awoodda dhabata ee boqorka ka dambaysaa tijaabinayso, waxay yidhaadeen waa faras.

Boqorka laftiisii ayaa shakiyay oo naftiisii ku yidhi, “Talow, ma indhahaygaa, mise wax baa iga yara si ah! Ma biciid baa, ma faras baa?”

Intii ay tijaabadu socotayna nin karaaniya ayaa wasiirka aamusay iyo kii hadla iyo jawaabtiisaba qorayay. Ka dib markii tijaabadi dhamaatay, ayaa jawaabihii loo keenay.

Hadduu jawaabii helayna, qorshihii saddexaad ayuu dejiyay. Wasiiradii yidhi xayawaanku waa biciid ayuu mid mid u shirqoolay oo shaqadii ka eryay. Kuwii kalena: ma wasiiraa, ma . . .!!!? Bal adba garo!!!